![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Shir jaraa’id oo uu Maantay qabtay Ra’isul wasaare Cali Geedi ayaa ku sheegay in saddex bari gudahood hubka Muqdisho lagu soo xareeyo Isniin,1,2007 Muqdisho,Somaaliya Shir jaraa’id oo uu Maanta qabtay Ra’isul wasaaraha dowlada ku meel gaarka ah Pro. Cali Geedi ayaa sheegay in ay dowladiisu go’aansatay in muddo saddex bari ah lagu soo aruuriyo waxii hub ah ee yaala gudaha Magaalada Muqdisho ayadoo saddexda bari ay ka bilaamanayso Maalinta Bari ah. Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in hubkaas lagu aruurinayo laba xaruumood oo kala ah Dakadii hore ee Muqdisho iyo Fillo Baydhabo, waxii intaas ka dambeeyana ay dowladiisu bilaabi doonto howgal ay xoog uga qaadayso Hubka, asagoo sheegay in goobahaas ay ku sugan yihiin Saraakiil Soomaali ah iyo kuwo Ethiopian ah oo diwaan galinaya Hubka ayagoo ku dadaalaya in aan wax laga badalin. Waxaan go’aankaan ku gaarnay in Hubka lagu qaado waxayna wada gaari doonaa go’aankaan gobalada oo dhan, waxaana la socodsiinaynaa go’aankaa ummadda Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaan reer Muqdisho, Waxa uu sheegay ra’isul wasaaruhu in go’aankaan ka dhaqan gali doono dhamaan gobalada Soomaaliya, Muqdishana laga Bilaabayo. Waxa uu sheegay in ay socoto Magacaabidii Saldhigyada, mar wax laga weydiiya in ay dowladu u soo guurayso Muqdisho waxa uu ku jawaabay in Xukumadu joogto Muqdisho oo asagu ka tilinayo hadda. Ra’isul wasaaraha ayaa cadeeyay in Ciidamadiisa iyo kuwa Ethiopia ay qabsadeen Magaalada Kismaayo oo ay xalay isaga baxeen Ciidamadii Maxaakiimta, waxa uuna sheegay Cali Geedi in ciidamadiisu kaga adkaadeen Ciidamadii Maxaakiimta Gobalada Jubbooyinka ayna wali sii raad joogaan mana ka hari doono ayuu yiri . Ciidamada Dowladu waa sii soconayaan waxaana cafis u fidinaynaa kuwa dagaalamaya waa Ciidamada Maxakiimtee, balse waxa uu sheegay Shaqsiyaadka Hogaanka in uu Maxkamad soo saari doonaan. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||