Madax weyne C/laahi Yuusuf oo Maanta magacaabay Maamulkii Gobalka Hiiraan asagoo aan ku soo darin Maamulkii Hore.

Isniin,1,2007 Muqdisho,Somaaliya

Madax weynaha ayaa Maanta soo saaray Wareegto uu ku magacaabnayo Maamulka Gobalka Hiiraan, Madaxweynaha ayaa magacaabay Maamul Cusub asagoo aan ku soo darin Maamulkii hore ee Gobalka Hiiraan, Madax weynaha ayaa sheegay in ku dhawaaqista Maamulkaan uu kala tashtay Ra’isul Wasaaraha Pro. Cali Geedi.

Wareegtadaan oo uu aqriyay Afhayeenka Dowlada C/maan Nuur Mohamed Diinaari ayaa sheegay in Madax weynuhu Maamul Cusub u sameeyay Gobalka Hiiraan, ayadoo aan lagu soo darin Maamulkii hore ee halkaa uga jiray ka hor xilligii Maxaakiimta.

Diinaari ayaa sheegay in ciidamada dowladu ay ka guulaysteen kuwii Maxaakiimta ayagoo ka dilay in ku dhow 100 askari kana qabsaday Gobalada Jubbooyinka, in ka badana kaga dhaawaceen ayagana ay kaga dhinteen 10 askari dhowr kalana ay kaga dhaawacmeen.

Diinaari ayaa sheegay in ay Ciidamda Maxaakiimtu ka baxeen Magaalada Kismaayo ayagoo u baxayt dhanka Afmadow iyo Badhaadhe, balse si kastaba ha ahaatee aan looga hari doonin meesha ay tagaan.

Waana markii ugu horeysay ee dowladu ay ku djhawaaqdo Maamul Gobaleed ilaa markii ay dagaalka la gashay Ciidamdaii Maxaakiimta oo ay dowlada oo kaashanaysa Ethiopia kaga adkaatay dagaalkii dhex maray labadooda.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com