Cabdi Qaydiid oo Shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in uu diyaar u yahay in uu wareejiyo Hubkiisa.

Isniin,1,2007 Muqdisho,Somaaliya

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Saxafi ku sheegay inuu diyaar u yahay in uu wareejiyo Hubka asagoo sheegay in uusan asagu ka mid ahayn dowlada laakiin Taageero u yahay.

Qaybdiid ayaa sheegay in dagaalku uu dhex maray dowlada iyo Wadaado Argagixiso ah lagana guulaystay waxa uuna sheegay in dadku is dajiyaan oo ay ammaanka ilaaliyaan si weyna u taageeraan dowlada si dhibka iyo caqabadaha looga gudbo.

Waxa uuna ka codsaday dadka Banaan baxyada samaynaya oo ah dad la qalday oo dadkale ku shaqaysanayaan in ay joojiyaan Banaan baxa ay wadaan, Qaybdiid ayaa xusay inuu asagu diyaar u yahay in uu wareejiyo Hubkiisa, waxa uu sheegay in ay dhamaatay Aargoodsi iyo is qabqabsi intaba.

Waxa uu xusay in asagu uu arkay Hub uu horey Maxaakiimtu uga qaadeen oo lagu haysto meelo kala duwan laakii uusan doonay xilligaan in uu hubsii aruursado, qaar ayaan ku arkay guryo ku yaal Xamar qaarna Dhuuso mareeb iyo Cadaado ayaan ku soo dhaafay, marka waa in dadku Hubka dhiibaan si loo helo xasilooni ciddii diidana waa laga qaadayaa.

Qaybdiid ayaa sheegay in ruuxna uusan ku naaloon in uu hub ku haysto Magaalada iyo dalkoo dhanba, dalka yagana loogama baahna cid u dagaalanta ee nimanka doonaya in ay dagaalamaan haka dagalameen dalalkooda ayagaa u baahan in laga dagaalamo anagu uma dulqaadanayno in dad shisheeya ah ay ka dagaalamaan dalkeena dowladu tilaabo ayana ka qaadi doontaa.

Dadka yagu waa Soomaali nin dalkiisa ka soo dhereeyay dagaal una soo dhoofiyay dagaal dalkeen uma dulqaadan doono, dadka Soomaaliyeedna waxaan ka codsanaynaa in ay la shaqeeyaan dowlada.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com