![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Kismaayo oo gacanta u gashay Ciidamda Ethiopia oo ay wehliyaan kuwa dowlada ku meel gaarka ah. Isniin,1,2007 Kismayo,Somaaliya Dagaal adag oo Shalay Galabtii ku dhex maray Ciidamda Maxakiimta iyo kuwa Ethiopa oo ay la socdaan kuwa Dowladu ayaa xalay lagu kal hoyday ayadoo aan sidaas cidina guul u gaarin laakiin waxaa laga war helay hal mara in Ciidamadii Maxaakiimtu ay goobta ka maqan yihiin . Madaxda Maxaakiimta ayaa la sheegayaa in ay isga baxeen Magaalada Kismaayo ayadoo aan la garanayn halka ay aadeen in kastoo ay dowladu sheegtay in ay u baqooleen Afmadow iyo Badhaadhe oo ay saldhigyo ku leeyihiin. Ciidamada Ethiopia oo ay wehliyaan kuwa dowlada ayaa la wareegay Magaalada Kismaayo ayagoo gaaray Maanta Duhurkii ayadoo Ciidamda Maxaakiimta ay Xalay ka baxeen Magaalada Kismaayo ayagoo aan la garanayn halka ay aadeen. Ciidamdaan ayaa markii ay Maanta gaareen Magaalada Kismaayo waxaa si weyn u soo dhaweeyay dad weynaha reer Kismaayo, waxayna isla markiiba dageen dhowr meelood oo ka tirsan Magaalada . Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||