![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Dr.
C/qaasim Salaad Xasan
iyo
Col.C/llaahi
Yuusuf Axmed
oo kulan gaar ah ku yeeshay
Muqdisho.
Arbaco,Jan,10,2007 Muqdisho,Somaliya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa maanta kulan saacado qaatay ku yeeshay xaruntii madaxtooyada Villa Somalia ee magaalaadan Muqdisho, iyagoo kulankoodana uga wada hadlay xaalaada nabagelyo iyo mida siyaasaadeed ee dalku sugan yahay gaar ahaan sidii wax looga qaban lahaa xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay sii xumaanaysey. Shir jaraa'id oo kulankooda ka dib ay ku qabteen xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaaladan Muqdisho ayaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo hadalka ku hormaray waxaa uu sheegay in isaga Dr.C/qaasim ay isla falanqeeyeen xaalada nabagelyada magaalada Muqdisho iyo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo. “Dr.C/qaasim waa madaxweynihi Soomaaliya ee xilka igaga horeeyey, waxaana maanta ugu yeeray sidii aan uga wada tashan laheyn qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo nabadgelyada magaalada Muqdisho” ayuu yiri madaxweyne C/laahi Yuusuf oo intaa ku daray in isaga iyo Dr.C/qaasim ay isku afgarteen dhamaanba waxyaabihii ay ka wada hadleen. Madaxweynihii hore ee TNG-dii Carta Dr.C/qaasim Salaad Xasan oo isna halkaasi ka haday ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Yuusuf ay kulankooda isku afgarteen garteen sidii loo dedejin lahaa ciidamada ka socda wadamada Afrika ee golaha amaanku ansixiyey si ay u bedelaan ciidamada Itoobiya ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya. “Danta dalka guud ahaan iyo gaar ahaan caasimada ayaan isla soo qaadnay aniga iyo madaxweyne Yuusuf, gaar ahaan sidii loo keeni lahaa ciidamo Afrikaan ah oo bedela kuwa Itoobiya ee hadda jooga Soomaaliya waanuna isku afgaranay dhamaanba wixii aanu ka wada hadalnay” ayuu yiri Dr.C/qaasim Salaad Xasan madaxweynihii hore ee Soomaaliya, iyagoo dhinaca kale ka gaabsaday iney ka hadlaan qaraxyada habeenadii la soo dhaafay ka dhacayey qeybo ka mid ah magaaladan Muqdisho ee lala beegsanayey ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya. Waa markii ugu horeysay ee madaxaweyne Yuusuf iyo Dr.C/qaasim Salaad Xasan ay kulan ku yeeshaan gudaha dalka, iyadoo C/qaasim-na uu ka mid ahaa siyaasiiyiinta Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo horjeeday siyaasadda Col.C/llaahi Yuusuf iyo in ciidamo Itoobiyaan ah la keeno gudaha Soomaaliya, wuxuuna kulankooda ku soo beegmay xili kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto caasimada Cabdalla Maxamed Cabdille Cabdalla45@hotmail.com Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||