Q.M  Ban-ki Moon ayaa cambaareysay weerarka xagga cirka ah ee Mareykanka uu ka wado Somalia.

 Arbaco,Jan,10,2007

Xoghayaha guud ee cusub ee Q.M Ban-ki Moon ayaa waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda Cusub ee ka soo cusboonaatay Somalia ee colaada iyo weerarka xagga Cirka ee diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah dalka Somalia, taasi oo uu sheegay in ay dhibaato ku tahay howlaha gargaarka sida ay sheegtay Afhayeenadiisa Michel Montaz.

isagoo warfidiyeenada la hadlayey ayaa Afhayeenka Mr. Ban, Michele Montas, waxa uu sheegtay in xoghayaha guud uu ka walaacsan yahay saameynta ay weerarada Mareykanka ku yeelan karaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay Dowladda KMG ah ee Somalia inay sameyso dib u heshiisiin siyaasadeed, waxaana uu intaasi ku daray in uu ku talinayo ciidamada ka socda Afrika si deg deg ah loogu daad gureeyo Somalia

Mr Ban oo xilka kala wareegay Koffi Anan waxaa shaki badan ka qaba dowladda Mareykanka oo ilgaara ku eegeeyso,si ay u xaqiijiso inuusan caqabad ku ahayn danaheedda siyaasadeed.

Cabdalla Maxamed Cabdille

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com