Dawlad-goboleedka GalMudug oo ku guulaysatay mushaar-siinta
Dhammaan ciidammadeeda qalabka sida, markii ugu horreysay.

Jan,10,2008  www.Hobyoradio.com

W.D. Calideeq.

Mahad Gaara Abwaan Calideeq oo Xuquuqda Sawirada iyo Warbixinta leh. By. C/aziz Xogolof

Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee GalMudug ayaa markii u horraysay ku
guulaysatay inay mushaar lacageed siiso ciidamadeeda qalaka sida, oo u kala
qaybsan xoogagga Daraashiista iyo Booliska.

Gudomiyaha Mudug Mudane Xassan Farah  iyo  K,Simaha  Madaxweynaha Cabdisamad nuur

Shirweyne Kadhacay Madaxtooyada Galmudug State.

Boonada Canshuurta Dowlad goboleedka Galmudug State

Gudiga oo Mushaarada u  Qaybinaya Ciidanka Galmudug State

Dab-yaaqadii bishii Disember ee sannadkii 2007-da iyo toddobaadkii u
horreeyay bshishan Jannaayo ee sannadkan 2008-da, waxay Masuuliyiinta kala  duwan ee Dawlad-goboleedka GalMudug ku mashquulsanaayeen diyaarinta iyo bixinta mushaarka ciidanka Dawlad-goboleedka Gal-Mudug ee bishii Disember ee sannadkii 2008-da.

Taliyaha Saldhiga Booliska Daayare Shuuke

Maalinnimadii Isnniinta ee ay 31-da ahayd bishii Disember ee sannadkii 2007-da ayaa laga billaabay mushaar-bixinta ciidanka GalMudug Dhaan-ka-roone, oo 10km dhanka galbeed ka xigta magaalada Galliinsoor. Dhaan-ka-roone waa meel caan ku ah xagga ciidamada. Waxayna xarun u ahaan jirtay Gaas ka mid ahaa Qaybtii 21-aad ee Ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee taliskeedu ahaa magaalada Dhuusa-marreeb. Waxaana Dhaan-ka-roone hadda deggan urur aad u xooggan oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta ee Dawlad-goboleedka GalMudug. Kaasoo ku qalabaysan illaa dhawr iyo Labaatan hubka waaweyn ee gaadiidka ku rakiban ee tiknikada loo
yaqaanno. Kuwaasoo ka kooban Gantaalo uu ka mid yahay nooca loo yaqaanno AL-CABBAASKA, kuwa Lidka diyaaradaha oo iskugu jira kuwo waaweyn iyo qaar yaryar , Gaadiidka Gaashaaman oo hal xabbo ah, madaafiicda goobta, iwm.




31/12/07. oo ahayd maalinnimadii Isniin ah, ayaa 468 askari oo ciidanka
GalMudug waxaa lagu siiyay mushaarka Dhaan-ka-roone, oo ka tirsan degmada Galliinsoor. Mushaar-bixintii xigtayna waxay ahayd maalinnimo Axad ah, 06/01/08. Waxaana maalintaas magaalada Gaalkacyo lagu bixiyay mushaarka 208 askari oo ka tirsan ciidanka booliska GalMudug. Waxayna iskugu jireen 166 ka kala tirsan Labada saldhig ee booliska GalMudug ee magaalada Gaalkacyo iyo ilaalada koontaroollada dakhli-uruurinta ee Koonfurta, Bariga iyo W/Bari ee magaalada Gaalkacyo. Waxaana wehliyay oo iyagana isla maalintaas 06/01/08., mushaarkooda la bixiyay 42 askari oo ka tirsan booliska magaalada Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug. Marka la isku geeyana ciidanka booliska GalMudug ee maalintaas, 06/01/08. mushaarkooda lagu bixiyay magaalada Gaalkacyo waxay tiradoodu dhammayd 208 askari.



Maalin ka hor mushaar-siinta ciidanka Daraawiishta GalMudug, ayaa waxaa
Dhaan-ka-roone iskugu tagay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan
Dawlad-goboleedka GalMudug oo uu Hoggaaminayay Sh. Mursal Cilmi-dhago oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Marjaca GalMudug. Waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta kale ee GalMudug ee Sh. Mursal uu hoggaaminayay kusimaha Madaxweynaha GalMudug mudane C/Samad Nuuur Guuleed, guddoomiyaha Gobolka Koonfurta Mudug mudane Xasan Faarax Barre, guddoomiyaha gobolka Hobyo mudane Max’ed Axmed Caalin, guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha GalMudug mudane Cabdul Jaamac Dharas, guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada GalMudug mudane Cabdi Jaamac C/le (Xabeeb), Taliyaha Ciidammada GalMudug G/Sare Sh. C/Laahi Cambarre iyo xubno badan oo ka tirsan guddiyada Dhaqaalaha iyo Nabadgalyada ee GalMudug oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye kuxigeennada 2-aas guddi oo
kala ah mudane C/Kariim Sh. Axmed iyo mudane Axmed C/Laahi Max,ed (Af-gub Cardaf). Sidoo kale waxaa ka mid ahaa, G/Sare C/Laahi Xuseen Aadan (Cirro) madaxa tabobarka ciidammada GalMudug iyo mudane Raage Xaaji Dhoorre, oo isagu matalayay jaaliyadda GalMudug ee dalka Mareykanka. Iyo Cali-gurey Ducaale Geelle iyo Axmed Sheekh Salaad, oo labaduba ka tirsan Guddiga Dhaqaalaha GalMudug, Cali Cabdi Faarax (Calinaasir) iyo C/Raxmaan Nuur Sahal (Sheekeeye), oo iyaguna ka tirsan Guddiga Nabadgalyada GalMudug.


Nabad-doon Yaasiin Max’ed Gaanni ayaa isna ka socday Golaha Guurtida ee
GalMudug. Iyadoo Golaha Baarlammaanka GalMudug ay ka socdeen xildhibaan Axmed Gayfane iyo xildhibaan Caanood Xaashi Afdhuub.
Maalintaas, 30/12/07. ayaa ciidanku ku fayleen geedo waaweyn oo
Qurac ah oo Dhaan-ka-roone ku taalla hooskooda. Waxayna ciidanku
salaan-sharaf ku salaameen ku simaha madaxweynaha GalMudug C/Samad Nuur Guuleed. Ka dibna guddoomiyaha gobolka Mudug e Dawlad-goboleedka GalMudug Xasan Faarax Barre ayaa, hadal kooban ka dib, waxa uu ku soo dhaweeyay Sh. Mursal Cilmi-dhago. Wuxuuna Sheekhu maalintaas halkaas ka jeediyay qudbad taariikhi ah oo aad u dheer. cid kalena hadalka ugama dambayn. Wuxuuna si talantaalli ah Sh. Mursal uga jawaabayay Ciidammadii uu la hadlayay su’aalo ay wayddiinayeen.

Waxaana ka muuqatay ciidanka inay saluugsan yihiin lacagta mushaarka loo siinayay. Waxaase murti ku deeqsiiyay Sh. Mursal, oo ah wadaad dhallinyaro ah. Iskuna darsaday cilmi iyo caqli waasaca. Wuxuuna hibo u leeyahay xeesha loola hadlo Reer Mudugga jaaxidka Badan. Wuxuuna Sh. Mursal ciidanka hortooda ku dhaariyay saraakiisha ciidammada inay daacad u ahaanayaan Dalkooda, Dadkooda iyo Diintoodaba.
 
Saraakiisha Ciidammada GalMudug ee fadhigoodu yahay
Dhaan-ka-roone ayaa waxay soo jeediyeen baahida ciidanka. Wuxuuna Sh. Mursal ballan-qaaday wixii dhaqaale ah oo la helo loo teelayn doono ciidan. Meel kalena aan wax la marin doonin haddii ALLE idmo.
 
. Saraakiishii ciidanka GalMudug ee maalintaas hadallada ka jeedisay
Dhaan-ka-roone ayaa waxaa ka mid ahaa taliyaha ururka Dhaan-ka-roone Max’ed Gees-diir, Gurey Xawxawle iyo Af-gub Dayax-leef..
 


Guud ahaanna ciidanka GalMudug ee mushaarka la kala siiyay 31/12/07.
iyo 06/01/08. waxay tiradoodu dhan tahay 694 askari, oo iskugu jira Booliska iyo Daraawiishta.Waxaana halkii askariba la siiyay dhacag dhan 1000’000 oo shilinka Soomaaliga ah.


 
 
Lacagtaas lagu bixiyay mushaarka ciidanka GalMudug ee kor ku xusan
waxay ka timid dakhli-uruurin Guddiga Dhaqaalaha GalMudug ay illaa 01/12/07. ka wadeen 3-da koontarool ee kala ah midka laamiga Muqdisho ee Koonfurta Gaalkacyo iyo koontaroollada astaan Hobyo iyo astaan Golol ee magaalada Gaalkacyo. Waxayna 3-daas waddo Guddiga Dhaqaaluhu ka qaadaan gaadiidka mara ee badeecadaha sida dhaqaale lagu kaabayo maammulka GalMudug. Sidoo kale waxaa iyana jira meheradaha ganacsiga ee Koonfurta Gaalkacyo qaarkood in guddiga Dhaqaaluhu ay ka qaadaan waxoogaa dhaqaale ah oo aan khasab ahayn.


 
Dhaqaaalihii laga qaaday barahaas kor ku sheeggan ayaa markii Guddiga
Dhaqaaluhu ay aruuriyeen waxaa ka soo baxday lacagta mushaarka loo siiyay Ciidanka GalMudug . Waana wax-qabad weyn oo guul ah in muddadaas yar la aruuriyo dhaqaale intaas la eg oo ciidan tiradaas leh mushaar lagu siiyay. Waxaana intaas dheer in lacag badan oo kale ay maalin walba Guddiga
Dhaqaaluhu ku bixiyaan saadka ciidammada GalMudug.
 


Iyadoo aysan jirin, haba yaraatee, wax dhaqaale ah oo maammulka GalMudug uu ka helay jaaliyadaha Dibadda. Inkastoo muddo la hadal hayay. Waase lagu hungoobay illaa iyo hadda dhaqaalihii jaaliyadaha dibadda laga dhaguugayay.


Waxaana hubaal ah inuu horumarku intaas ka sii ballaarnaan lahaa haddii
dhaqaale uu ka soo gaari lahaa maammulka GalMudug jaaliyadaha dibadda.
 Ugu dambayntii, shacabka iyo masuuliyiinta Dawlad-goboleedka GalMudug
ayaa aad ugu diirsadeen ciidammadooda qalabka sida ee markii ugu horraysay sida buuxda loo siiyay mushaarka. Mushaar-siinta ciidammada GalMudug ayaa waxay qayb ka tahay is-baddalka cusub oo u billawday Dawlad-goboleedka GalMudug, ka dib heshiiskii taariikhiga ahaa ee QURAC-IJAABO ee degmada Bandiiradley 11/11/07. ee lagu xoojiyay maammulka GalMudug. Waxaana wixii muddadaas ka dambeeyay lagu tillaabsaday horumar wax-ku-ool ah. Gaar ahaan dhinacyada Nabadgalyada, Dhaqaalaha iyo Garsoorka. Waxaana is-baddalkan cusub ee GalMudug horsed ka ah Culummaa’u-diinka Dariiqooyinka ee GalMudug, oo muddo dheer lagu dhaliili jiray inay gabeen bulshadooda. Laakiin waxaad mooddaa hadda inay gudayaan wax-qabadkii ku gaaxday.
 

Calideeq Max’ed Xaashi.
nabadda1@hotmail.com
0025290751239
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com