Xarunta Madaxtooyada  Dowlad goboleedka Gal Mudug ee Magaalada Gaalkacyo oo  9/1/2008  lagu qabtay kulan aad u ballaaran oo uu shir guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Gal Mudug Cabdisamad Nuur Guuleed.

Jan,10,2008  www.Hobyoradio.com

Xarunta Madaxtooyada  Dowlad goboleedka Gal Mudug ee Magaalada Gaalkacyo oo  9/1/2008  lagu qabtay kulan aad u ballaaran oo uu shir guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Gal Mudug Cabdisamad Nuur Guuleed.

 

  Kulankaasi ayaa waxaa lagu soo  gudbiyay qodobbo badan  oo talo soo jeedin ahaan loogu soo gudbiyay masuuliinta dowlad goboleedka Gal Mudug loogana gol leeyahay  in mustaqbalka lagu sii horumariyo dowlad goboleedka Gal Mudug.

 

Kusimaha Madaxweynaha Galmudug State Mudane Cabdi Samad  Nuur Guuleed

   Talo soo jeedintaan oo ay soo gudbiyeen xubno ka kala socday Jaaliyadda Dibadda yo Magaalada Muqdisho dhalasho ahaanna ka soo jeeda deegaannada Gal Mudug ayaa waxaa qodbbadaasi  ka mid ah :- In la xalliyo dhammaan khilaafaadka jira,

 

in la abaabulo bulshada deegaankaan u dhalatay  lana mideeyo aragtidooda gudaha iyo dibaddaba .in la xoojiyo  waxqabadka Ciidamada Booliska  lana  helo ciidan Boolis oo dariiskoodi u dhan yahay  ammaankana si wanaagsan u gudan kara .in la abuuro guddi dib u heshiisiineed lana raadiyo beelaha kale ee wax nala wadaaga .

In la tayeeyo wax qabadka Dowlad goboleedka Gal Mudug  gaar ahaan Maamullada Gobollada Mudug iyo Hobyo si gaar ahna isha loo saaro habsami u howl galka Gobolka Hobyo .In la abaabulo Xarun Dowlad Goboleed loona  dhiso sida ugu dhaqsiyada badan .

In la abuuro shirar joogto ah loogana hadlayo dhacdooyinka shaqo ee dowlad goboleedka Gal Mudug oo ay shir guddoomiyaan masuuliyiinta Sar sare ,In la dhiso dhammaan Ururrada Buslshada si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo sida Culumo awdiinka .

ururka ganacsatada,Ururka Haweenka,Ururka Dhallinyarada iyo ururka aqoonyahannada,.In masuuliyiinta Gal Mudug ay sameeyaan kormeerro joogto ah oo ay ku tagayaan dhammaan gobollada,degmooyinka iyo beelaha Deegannada Gal Mudug.

Lana qiimeeyo wax qabadka ay ku kala tilaabsadeen deegannadaasi..In dhammaan Bulshada Gal Mudug loo sameeyo wacyi gelin iyo sare u qaadidda aqoontooda dhinayacyada kala duwan .iyo in sidoo kale Masuuliyiinta Gal Mudug ay kormeeraan Xarumaha kala duwan ee  bulshada Gal Mudug sida  Iskuulada,Xarumaha Caafimaadka ,Xeryaha Qaxootiga ,Saldhigyada Booliska ,Xabsiyada.

Xarumaha Qalabka Warbaahinta iyo xarumaha Nabad galyada iyo wixii la mid ah.In waxqabadka qaybaha kala duwan ee Gal Mudug si joogto ah loogu soo bandhigo qalabka warbaahinta sida Raadiyayaasha, Talafeeshinnada, Wargaysyada,Intarnaydyada .in loo hawl galo sidii ay Hay,adaha Samafalka Caalamku ay xarumo ugu yeelan lahaayeen deegaannada Gal Mudug howlahooda samafalna ay bulshada deegaankaan u gaarsiin lahaayeen. iyo in la qabto Ololayaal joogto ah oo xagga nadaafadda iyo sare u qaadidda bilicda la xariira  .lana kordhiyo wax soo saarka deegaannada Gal Mudug ,sida garoomada Diyaaradaha ,Dekadaha,daryeelka Xoolaha iyo ka faa,idaysiga khayraadka gal mudug sida badda iyo Birrigaba .

 Kulankaan oo ay  ka mid ahaayeen Masuuliyiinta ka qayb gashay Xubno ka kala tirsan golayaasha Baarlamaanka,Wasiirada,dhaqanka ,culumo awdiinka ,Guddoomiayayaasha Gobollada Mudug iyo Hobyo Xasan Faarax .Barre iyo Maxamed Axmed Caalin .Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug.Aways Cali Siciid.Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Gal Mudug Xuseen Cabdulle Aw-Cali . Guddiyada Dhaqaalaha,Amniga ,Saraakiil Ciidan,iyo xubno ka kala socday Jaaliyadda dibadda  Magaalada Muqdisho

talo looyinka ay soo bandhigeen xubnahaasi  ayaa isla waqtigaasba waxaa  loo xilsaaray Kusimaha Madaxweynaha Gal Mudug in uu magacaabo Guddi soo daraasadeeya halka laga hirgelinayo xarunta Madaxtooyada Gal Mudug.sida ugu dhaqsiyada badanna loo bilaabo dhagax dhigeeda.

  Nabaddoon Xasan Cabdi Dheere oo halkaasi ka hadlay ayaa aad u soo dhoweeyay shirweynihii Bandiiradleey iyo guusha ay beesha Gal Mudug gaartay ,isagoo Nabaddoonku aad wax uga xusay dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho iyo khayrka ay ku jiraan reer Mudug .

  Xubnaha talooyinkaasi oo si aad ah loo soo dhoweeyay loona qaatay soo gudbiyay ayaa magacyadoodu waxay kala yihiin :Xaaji Cabdi Nuur Cali.Sheekh Maxamed Weheliye Khayre .Garaad Aadan Cilmi.Xaaji Cusmaan DhagaJuun.Cali Baashi Faarax Cali.Sheekh Cabdullaahi Aadan Dulyar.Axmed Maxamuud Xasan(Baasto).Cali Awsahal Maxamuud.Cismaan Maxamuud Nuur.Injineer Cali Cabdulle.Cabdiraxmaan Maxamed Sabriye.Cabdi Maxamed Maxamuud iyo Xaaji Xuseen Ereg Faarax.

kulankaan ayaa ku soo beegamaya dar dar culus ay ku jirto hawlha dalwlad goboleedka Gal-Mudug State dhinacayada nabd galyada iyo waliba uruurinta canshuuraadka.

Cabdalla Max'd Cabdille

warqabdka hobyoradio

Galkacyo,Gal-Mudug State,of Somalia,

cabdalla45@hotmail.com

00252162270923

002525 752260

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com