Xaflad Lagu soobandhigay Arday Qur'anka Kariinka Si fiican U baratay oo Gaalkacyo kadhacday

Jan,10,2009 www.Hobyoradio.com

Xaflad Lagu soobandhigay Arday Qur'anka Kariinka Si fiican U baratay oo Gaalkacyo kadhacday

 

Xaflad balaaran oo lagu maamusayey qalinjabinta ardey dhameysatey quraanka kariimka MAdarasatu cimraan binu xuseen biriwaayati adowriyi can abii camar al basariyi ayaa galinkii dabe ee shaley agu qabtey magaalada gaalakcyo ee xarunta gobalka Mudug.'

Sidookale xafladaan oo ayad mid siweyn ay u soobuuxdhaafsheen arday dayar oo barata Qur'aanka kariin ayaa waxaa ay u dhacday siweyn waxaana halkaasi ay kusoobandhigeen aqoon wanaagsan oo ay diinta kagaareen.

Ardaydaan Quraanka baratay ayaa waxaa halkaasi lagu waydiinayey aayado quraanka katirsan Iyo Cilmi kale oo ay kamidyihiin in ay sheegaan Xaasaskii Nabiga(NNKH) iyo Ilmihiisii

Ugudanbayntii xafladaan  ayaa ahayd mid siweyn loogu riyaaqay maadaama lagu soobandhigay cilmi aad u qaali ah oo baray dayar Somaliyeed

W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime
Siciid Jaani
SiciidJaanii@hotmail.com

Idaacadda Hobyo Galmudug State of Somalia

Ku Laabo Home

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com