Maamulka Gobalka Hobyo ee Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Gacanta ku soo dhigey Geel la dhacey

Jan,11,2010 www.Hobyoradio.com

Maamulka Gobalka Hobyo ee Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Gacanta ku soo dhigey Geel la dhacey

 
Geelaani oo dhamaa ilaa 8 neef ayaa ahaa kuwa ay lahaayeen dadka deegaanka hobyo kuwaasi oo ay soo ka xeysteen dad reer guuraa ahaa waxaana dabadeed ay lasoo galeen geelaasi nawaaxiga Degmadfa Ceel dibir
 
Masuuliyiinta gobalka hobyo ee Dowlad Gobaleedka Galmudu iyo ciidamo ay wateen oo soo gaarey degmada ceeldibir ayaa halkaasi mudo kooban tacshiirad isku weydaarsadey taasi oo sababtey in gacanta ay ku soo dhigaan mid kamid ahaa dadkii watey geela iyo xoolihii
 
Gudoomiyaha gobalka Hobyo ee Dowlad Gobaleedka Galmudu Siciid Aadan Cade oo xaleyto u waramaayey warbaahinta ayaa sheegey in lagu wado geelaasi in maalinta barito ah lagu wareejiyo dadkii lahaa lana maxkamadeyndoono cidii kadanbeysey falka dhicista geelaasi
 
 
Ma ahan markii ugu horeysey oo geyl la dhacey ay gacanta ku soo dhigaan ciidamada amaanka Dowlad Gobaleedka Galmudu State Somaliya waxaa sidaani oo kale ay horey u celiyeen tirooyin geelal ah oo laga soo kala dhacey

W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime

Siciid Jaani SiciidJaanii@hotmail.com

 


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com