![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Golaha amaanka oo kulanka ka
yeeshay arimaha Soomaliya iyo
sidii loo geyn lahaa ciidamo
nabada soo celiya.
Khamiis,Jan,11,2007 Sidii la filayey, 15-ka xubnood ee golaha amaanka kama wada doodin weerarada xaga cirka ee Mareykanka uu ka fuliyey Soomaaliya, laakiin waxa ay dhageysteen warbixin uu soo bandhigay kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M ugu qaabilsan arrimaha siyaasada Ibraahim Gambaara. Mr. Gambaari waxa uu sharaxaad ka bixiyey aragtida Q.M oo la xiriira in falalka Mareykanka ay sii kordhin karaan uun colaadahii Soomaaliya. Diblomaasiyiintii ka qeyb galay fadhiga golaha amaanka waxa ay sidii kale ka hadleen qorshaha ku saabsan in ciidamo nabad ilaalineed oo Afrikaan ah la geeyo Soomaaliya si ay u badelaan ciidamada Ethiopia ee hadda caawinaya dowlada KMG. Ciidamadaasi aya la filayaa inay ka kala yimaadaan wadamada Uganda, Koonfur Afrika, Nigeria iyo Malaawi.oo la filayo todowaadyo gudohood ay soo garaan dalka somalai Golaha amaanka waxa uu isku afgartay bal in xog dheeri ah laga helo xaalada ay ku sugan yihiin dadka ka qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya ee dhexmaray dowlada KMG oo kaashanaysa Ethiopia iyo midowga maxaakimtii Islaamiga ee soomaaliyeed Danjiraha dowlada Ruushka u fadhiya Q.M Fatali Jeki ayaa kulanka golaha amaanka ka dib, waxa uu sharaxaad ka bixiyey waxyaabahii fadhigooda ay kaga wada hadleen… “xubnaha golaha amaanka waxa ay walaac ka muujiyeen xasilooni darada iyo xaalada xadgudubka bani’aadimada ee ka jira Soomaaliya.. waxa ay muujiyeen taageerada ay u hayaan qorshaha ah in la diro koox soo qiimeysa xaalada bani’aadnimada ee ka jirta goobha ay diyaaradaha mareenkanka ay duqeeyeen ee koofurta somalai
Golaha amaanka waxa ay isku
raaceen in maanta oo Khamiis
koox loo diro xadka wadamada
Soomaaliya iyo Kenya si ay u
soo qiimeeyaan xaalada
bani’aadnimada ee halkaasi ka
jirta iyo heerka baahida ay u
qabaan gargaar. Lala gaaro Cabdulaahi adan isaaq hobyo radio cabdulaahiboy@hotmail.com Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||