Hogaamiyaashii kooxaha oo Muqdisho dib ugu soo laabtay maanta .

Khamiis,Jan,11,2007 Baydhabo,Somaliya

Qaar ka tirsan hogaamiye kooxeedyadii magaaladan Muqdisho ee ku bahoobay isbaheysigii la dagaalanka argagaxisada oo mudooyinkanba ku sugnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo fariisin ku meel gaar ah u ah dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii halkaasi looga yeeray ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladan Muqdisho.

Hogaamiyeyaashan oo iyagu u badan kuwo ay horey magaaladan Muqdisho uga ceyrsadeen maxkamadihii laga awood roonaaday ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanada ay ka mid ay ka mid yihiin Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamed Max'ed Max'uud (Filish) iyo rag kale oo ay ka mid yihiin Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo xubno kale ayaa sida uu sheegay afhayeenka dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Diinaari waxaa hogaamiyeyaashan ay dowladdu kala hadashay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xasilinta iyo nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.dib ugu soo laabashada magaalada muqdsho hogaamiyaasha ayaa ku soo beegmaysa xili uu madax wene cabdulaahi yuusuf axmed uu ku sugan yahay magaalada muqdsho. Isla markaana uu wado wadahadalo uu la yeelanayo madaxdii hore ee dalka soo maray iyo odayaal dhaqmeedyo.

Cabdalla Maxamed Cabdille

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com