![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Dowladaha Talyaniga,Faransiiska,Garmalka,Iran,Jamacada Carabta ayaa muujiyay sida ay oga xunyihiin duqeynta xaga hawada uu Maraykanku ku hayo Soomaaliya. Khamiis,Jan,11,2007
Massimo D'Alema, Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga, ayaa carabka ku dhajiyey in talaabada Mareykanka uu qaaday ay tahay mid hal dhinac ah, oo dalka Somalia lagu dhibaateeyay. Massimo D'Alema, ayaa qoraal uu kasoo saaray xaaladda Somalia, waxa uu ku sheegay in Talyaaniaga uu aad uga soo horjeedo hindisooyinka halka dhinac ah, kuwaasi oo xiisado cusub ka oogi kara dalka goor sii horeysaba degenaasho la’aanta ay saameysay ee Somalia, ayuu bayaankiisa ku yiri. "Talyaaniga waxa uu rumeysan yahay in Beesha Caalamka looga baahan yahay inay xoojiso dadaalada ay ku dhiiri gelineyso nabad la dhex dhigo Soomaalida, iyo sidoo kale nabad la dhex dhigo Somalia iyo dalalka deriska la ah" ayaa sidoo kale lagu yiri Bayaanka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Taliyaaniga.
Afhayeenka Wasaaradda Arriamha Dibedda Iran Maxamed Cali Xuseyni, ayaa sheegay in weerarada Mareykanka ay yihiin kuwa lala bartilmaameedsanyo dad qaxooti ah oo ku nool koonfurta Somalia . Waxa uu ku tilmaamay inay yihiin weeraro jebiyay xeerka Caalamiga ah, Islamarkaana ay tahay in la cambaareeyo. Iran , waxa kale oo ay dalbatay in dalalka Caalamka aysan marnaba fara gelin dalka Somalia , iyo waxyaabaha kasoo kordhaya.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda arriamha Dibedda Jarmalka, ayaa sheegay inaysan heyn Akgbaaraad ku filan oo ku saabsan howl galka Mareykanka uu ka wado Somalia . Laakiin waxa uu sheegay in Jarmalka uu ka walaacsan yahay in duqeynta Mareykanka uu ka wado Somalia ay salfadeen nolosha dad badan oo rayid ah. Afhayeenka waxa uu sheegay inay muhim tahay in xasilooni lagu soo dabbaalo dalka Somalia , si looga fogaado in awoodda dalka lagu loolamo kadib marka ciidamada Ethiopian-ka ah ay isaga baxaan dalka.
Waxa ay sheegtay Dowladda farance In Howgallada Ceynkan oo kala ahi ay sii cakirinayaan Xaaladda Murugsan ee haatan ka Jirtaa dalka Soomaaliya.Iyadoo Looga Gol leeyahay bey Tiri In lasii kordhiyo Qalalaasaha Ka Jira gayiga Soomaaliya. Afhayeenka wazaaradda Arrimaha Dibadda Dalka faransiiska Jan Batiste Mati Ayaa Muujiyay Sida ay dowladdiisu Uga Xun tahay In ay dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku waxyeelloobaan Weerarradan Dhinaca Cirka ah ee uu mareykanku ka fulinayo Qeybaha Koofureed ee dalka Soomaaliya
Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee ururka jaamacadda carabta Ahna mas’uulka Jaamacadda carabta u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Axmed Bin Xilli Ayaa sheegay Inuu aad Uga Xun yahay hadalladada kazoo yeeray madaxda dalka Soomaaliya ee Ay Ku taageereen Weerarradii uu mareykanku ka geystay Gobolada Koofureed ee Soomaaliya isagoo sheegay In hadalkaasi Uu Burinayo Xaaladda Dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya. Waxa Uu Sheegay In ay rajeynayeen In Dowladda soomaaliya ay ilaaliso Qaranimada dalkeeda Iyo Howlaha Dib u heshiisinta Intii ay u Yeeran Laheyd Xoogag shisheeye oo ka howl Gala dhulka Soomaaliya isla markaana wax Yeelleeya dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Axmed Bin Xilli Waxa uu Ku Tilmaamay Mowqifka ay Qaar ka tirsan madaxda Dowladda Soomaaliya iska Taageen Weerarrada mareykanka Mowqif Aad Loola Yaabo Isagoo ugu baaqay Dowladda mareyknka In ay joojiso Weerarrada Dhinaca Cirka ah ee ay ku heyso Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku wax yeelloobayaan dad rayid ah oo aan waxba Galabsan.. Cabdalla Maxamed Cabdille Cabdalla45@hotmail.com Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||