Ururka Nor’Som Oo Ciyaar Koob ah Udhigay Cayrtoyda Gal-Mudug State, Kooxda C/laahi Ciise Oo ku guulaysatay Koobkaasi.{Daawo Sawirada} Wariye. Cabdlle Max’ed.

Jan,11,2008  www.Hobyoradio.com

Waxaa dhawaan garoonka kubadda Cagta C/laahi Ciise xaafada dalsan ee magaalada galkacyo lagu qabtay ciyaar aad uxiiso badanayd oo ay soo qabn qaabiyeen gudiga ciyaartoyda Gal-mudug oo ay hogaaminyeen gudoomiayha isportiga Gal-mudug mudane Baashi Xasan Ereg (Baashi Ciiro iyo ku xigeenkiisa Cisaam Maxuud Rooble qawdhan, waxaa isna goob joog ahaa gudoomiayaha olompikada gobolka Mudug Macalin gureey.

Mahad Gaara Wariye Cabdalle iyo Hay'ada Nor'Som  oo soo agaasimay Cayaartan quruxda badan By. C/aziz Xogolof

Koobka loo dhigay kooxaha Kubadda cagta ee Galmudug State

Kooxaha C/llahi Cise iyo Xidigta

Ciyaartaani ayaa waxaa kuwada ciyaarayay laba kooxood oo ku ciyaaray magacyada C/laahi ciise iyo xidigaha oo labaduba ka mid ah kooxaha ka dhisan magaalda Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca Gal-mudug, labdaani ciyaartooy ayaa waxaa la dhex dhiagay koob aad uqurux badan oo ay ku deeqeen Ururka Nor’som oo ka mid ah ururada samfalka ee ka halw gala  Gal-mudug saldhigiisuna yahau dalka Norweyn ayadoona garoonka kubada cagta C/laahi Ciise oo ciyaartu ka dhacaysay ay ka soo qayb galeen boqolaal dadweyne ah oo daawanayay sida ay ciyaartu usocoto waxaana ururka norsom goobjoog ka ahaa Dr. Max’ed Elmi oo dhawaan hawlo shqo ku yimid magaalada Gaalkacyo.

Madaxa Hay'ada Nor'som Dr. Max'ed Elmi oo gacan Qadaya Kooxda.

Ciyaarta oo socotay mudo saacad ah ayaa waxaa ugu danbayn ay labda kooxood oo muujiayay fir fircooni iyo dadaal dheeraad ah oo dhinac waliba uu is lahaa aad hantid koobka quruxda badan waxaa ay ku kala bexeen 1-0 {Hal iyo Eber}oo ay guushu ku raacday kooxa ku ciyaaraysay magaca C/laahi Ciise halkaasina ay ku hanatay koobka oo uu gudoonsiiyay Dr.Max’ed Elmi  waxaa sidoo kale la gudoonsiiyay funaanado kuwa ciyaaraha ah waxaana arintaasi aad ugu farxay dhamaan kooxihii ciyaarayay ee C/laahi Ciise iyo xiidgaha.

Max’ed Elmi oo gaba gabdii ciyaarta aan wax ka waydiiyay ujeedka ay koobka ugu dhigeen labda kooxood ayuu ii sheegay in ay tahay ujeedku in ay kooxaha ka ciyaara Gal-mudg ay dhiiri galin usamaynayaan asgoona inaas raaciyay in ay sii wadi doonaan dhiiri galinta caynkaan ah oo ay hadyado badan ay gudoonsiin doonaan kooxaha ciyaarha Gal-mudug State.

Dhinaca kala gudoomiayaha ispriga Gal-mudug state mudane baashi xasan Ereg {Baashi ciiro}oo hobyoradio uwarmayay ayaa umahad celiayay ururka samfalka ee norsom gaar ahaan Dr.Max’ed Elmi waxa uuna gudoomiye Baashi ciiro ugu baaqay dhamaan masuuliyinta iyo rurada kale in ay ku day’daan ururka nor’som ila markaasina ay dhiiri galinta kooxaha ciyaartoyda Gal-mudug ka qayb qaataan.

Baaq kaa la mid ah ayuu gudoomiye baashi ciiro udiaray jaaliayda dibada ee udhalatay gal-mudug oo ka codsaday in kooxaha ciyrtoyada Gal-mudug aysan haysan qalabaka ciyaarha logu tala galay sidaasi daradeed ay ka sugayaan caawinaad iyo taageero dhinaca agbka ciyaartoyda ay ubaahan ayihiin.

Gudoomiyaha Isboortiga Galmudug Baashi Xasan

Kooxda C/llaahi Cise oo ku Guulaysatay Koobka

Si kastaba ha ahaatee ururka nor’som ayaa anoqonaya ururkii koowaad oo hadyado iyo koob noocaan ah udhiga kooxaha isportiga Gal-mudug wixii kadanbeeyay markii isbortiga Gal-mudug loo doortay gudoomiayaha cusub horaantii sanka 2007.aydoo arintaani ay tahay mid ubaahn in ay ururada samflka dhaamntood ay ku da’daan.

Cabdalla Max’d cabdille

Xaafiiska hobyoradio

Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia,

Mobail:002521270923

oo2525 752260

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com