Dhimasho iyo dhaawac fara badan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada oo iska hor imaad ku dhex maray ilaalada Madaxweynaha iyo iyo Hoggaamiye Kooxeedka Qanyare.

 Jimco,Jan,12,2007 Muqdisho,Somaliya

Ilaa Todobo qofood ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen kadib markii ilaalada Hoggaamiye kooxeedka Maxamed Qanyare Afrax iyo kuwa Madaxtooyada Villa Somalia israsaaseyn xoogan uu dhex maray, halkaasoo khasaaro xoogan oo dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

Iska hor imaadkan ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii halkaasi ay ku shirayeen Hoggaamiye kooxeedyada iyo Madaxweynaha dowladda KMG ah, iyadoo maliishiyada ilaalada Maxamed Qanyare ay damacday in ay gudaha u galaan xarunta Madaxtooyada taasoo ay ka biyo diideen ilaalada xaruntaasi oo isugu jiray Itoobiyaan iyo ciidamada Dowladda, waxayna maliishiyadii Qanyare ay adeegsatay in awood ku daydo ilaaladii Madaxtooyada kadibna ay isku dhac xoogan ka dhashay halkaasi.

Mar qura ayaa laga war helay dhawaqa rasaasta kala duwan, iyadoo kulankii dhex marayey  uusan wax saamayn ah ku yeelan israasaantaasi, waxaana kulankan looga hadlayey sidii hubka ay u wareejin lahaayeen hoggaamiye kooxeedyada waxaana la isku afgartay in hubka ay dowladdu ku wareejiyaan iyadoo la dhisay guddi arintaasi kasoo shaqeeya.

Tiro dhaawacyo ah oo dadka rayidka ah ayaa jira oo aan la ogeyn inta ay la eg yihiin, iyadoo laga yaabo in tirada dhimashada ee maliishiyada labada dhinac ay intaas kasii badan tahay.

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com