Washington oo codsatay in lada dadajiyo ciidamo gaynta Somaliya.

Jimco,Jan,12,2007 Washington.USA

Dawladda Maraykanka ayaa dawladaha Afrika ka codsatay inay si dhaqso ah ciidamo ugu diraan dalka Soomaaliya, si looga faa'iidaysto wajigan cusub ee Soomaaliya gashay, isla markaana argagixisada loo diido jaanis ay ammaanka ku khal khal galiyaan.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya Micheal Rannemerger ayaa sheegay in ciidamo deg deg ah oo la geeyo Soomaaliya ay wax wayn ka tarayso xasilooni kusoo dabbaalidda dalka Soomaaliya.

Mr: Rannebergr wuxuu sheegay in Maraykanku aad u soo dhawaynayo go'aanka ay gaartay dawladda Uganda ee ah inay ciidamo gaynayso Soomaaliya.

Wuxuu safiirku in
taasi ku daray in dalalka kale ee Afrikaanka ah looga baahan yahay inay si dhaqso ah usoo bandhigaan go'aankooda ciidamo gaynta Soomaaliya.

" Ciidamo gaynta Soomaaliya waxay soo da dajinaysaa in ciidamada Itoobiya ay si dhaqso ah uga baxaan dalka Soomaaliya" sidaasi waxaa yiri Mr Ranneberger.

Dimlomaasiyiin Maraykan ah ayaa sheegay in dawladda madaxwayne Yuusuf inay dhibaato kala kulmi karto kooxo ballan qaaday inay weerarayaan dawladda federaalka , haddii aysan ciidamo nabad ilaalin ah joogin dalka.

Maraykanka ayaa si aan gabbasho lahayn usoo bandhigaya taageerada uu siinayo dadka iyo dawladda Soomaaliya,

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com