Saxafiyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug oo Sheegay In dhawaan ay Kudhawaaqi doonaan Urur ay Kumidaysanyihiin

Jan,13,2010 www.Hobyoradio.com

Saxafiyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug oo Sheegay In dhawaan ay Kudhawaaqi doonaan Urur ay Kumidaysanyihiin


Kulan maanta ay Xarunta Idacada Hobyo ee Magaalada Gaalkacyo kuyeesheen Agaasimayaasha Idacacada Hobyo radio,Codkamudug Galmudug Iyo Iftin radio ayey ku sheegeen in dhawaan ay kudhawaaqi doonaan urur ay kumidaysanyihiin Saxafiyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug
 
 
 
Sidookale Agaasimayaasha Idacada Galmudug ayaa waxay ugu baaqeen wasaarada Warfaafinta in ay Xariir lasoosamayso saxafiyiinta si layskula ogaado wacyi kasta oo jira
 
 
 
Agaasimaha Idacada Hobyo Siciid Xogolof oo halkaasi kahadlayey ayaa sheegay in loobaahanyahay kulamo aan kalago lahayn oo ay yeeshaan saxafiyiinta Galmudug si loo ogaado meesha uu kusuganyahay saxafikasta
 
 
 
Faysal Maxamed Dirir (Faysal qoorweyne ) Agaasimaha Idacada Codkamudug Galmudug oo isna Qadka telefanka Oga qaybqaadanayey Kulanka ayaa sheegay in haatan loobaahanyahay in ay saxafiyiintu isusoodhawaansho muujiyaan islamarkaasina ay katashtaan wax walba o kuyimaada
 
 
 
Waa markii Ugu horeysay ee saxafiyiinta Galmudug kahowlgala ay kulan ay isuguyimaadaan waxaana beryihii ugudanbeeyey jiray Saxaafad aad u farabadan oo kusoobadanayey deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug


W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime

Siciid Jaani SiciidJaanii@hotmail.com

 


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com