![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Ciidamada Itoobiyana oo
howlgal guryaha lagu baarayo
saaka ka bilaabay deegaanka
Buulo-xuubey ee magaalada
Muqdisho.
Sabti,Jan,13,2007 Muqdisho,Somaliya ciidamada Itoobiya ee ku sugan garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee Muqdisho ayaa saaka ka bilaabay deegaanka Buulo xuubey howgal ay guri guri ugu barayaan guryaha deegaankaasi, kaasoo aan la ogeyn waxa xiligan ku soo beegay iyo waxa ay ka doonayaan inkastoo loo badinayo iney raadinayaan hub. waxaana saaka la arkayey ciidamada Itoobiya oo gaaf wareegaya xafadaha deegaankaasi dhexdooda iyadoo dadkuna ay baqdin lixaad leh ka muujinayaan, mana aysan jirin wax wargelin ah oo dadka deegaankaasi la siiyey ka hor inta aysan guda gelin howlgalkooda. dhinaca kale wararka shabakada hobyo ka helayso muQdsho aya sheegaya in maleeshiyo la sheegay iney wateen gaari nooca Corolla ah ayaa la sheegay habeenimadii xalay abaarihii 10:15 daqiiqo iney Bam gacmeed ku tuureen hotelka Lafweyn oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho xili uu halkaasi ka socday kulan balaaran oo odayaasha deegaanku ay ku lahaayeen hotelkaasi iyagoo ka arinsanayey wax ka qabashada nabadgelyada deegaankaasi. Bamkan oo ku qarxay afaafka hore ee laga galo hotelka ayaa la sheegay inuusan wax qasaare ah geysan, iyadoo ilaalada hotelka iyo dableyda soo tuurtay bamkana ay halkaasi rasaas isku weydaarsadeen, ka hor intii aaney baxsan dableydaasi, waxaana falkani uu qeyb ka yahay qaraxyo is daba joog ah habeenadii la soo dhaafayba kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ay la beegsanayeen hotelo iyo goobo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka, iyo kuwa ithoobia waxaanaa qaraxii ugu dambeeyey habeen hore loo geystay Hotelka Ambasador oo ku yaala xaafada Tre-biano ee degmada Hodan, ka dfib markii halkaasi koox dabley ah oo gaari wadatay ay bambooyinka ka dhaca qori gacmeedyada ku tuureen iridka hotelkaasi oo ay degan yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka, waxaana halkaasi ku dhawacmay askari ka tirsan ilaalada Jen. Cali Madoobe oo ah taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Cabdalla Max'ed Cabdille cabdlla45@hotmail.com Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||