Weerar ka dhacay Shabeelada Dhexe oo ay dad ku dhiteen.

 Sabti,Jan,13,2007 Jowhar,Somaliya

Wararka laga helayo xarunta gobalka Sh/dhexe ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in deegaan gobalkaasi ka mid ah xiisad aano qabiil ah ka taagan tahay.

Wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in 8 ruux ay ku dhinteen weerar ay maleeshiyo hubeysan ku qaaday deegaanka Biyo Cade oo kamid ah gobalka Shabeelada Dhexe.

Weerarkan ayaa intaas ku daraya inuu weerarkaasi salka ku ahyo aano qabiil, ayadoo 8da ruux ee la dilay la sheegay in ay ku jireen dad ganacsatado ah.

Maamulka Gobalka Sh/dhexe ayaa ciidamo u diray deegaankaasi si looga hortago weeraro kale oo halkaasi ka dhaca.

Deegaanka Biyo Cade ayaa in muddo ah waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxeysa labo beelood oo halkaasi wada dega, ayadoo ay horey u jireen weeraro noocaan oo kale ah oo ay dad ku dhinteen.

waana markii ugu horeeysay oo weerar noocaan oo kale ah uu ka dhaco Qaybo ka tirsn gobolka sh/dhexe wixii ka danbeeya markii xoogagii midawga maxaakiimta lagala wareegay gacan ku ahynta goobahaasi.

Cabdalla Max'ed Cabdille

cabdlla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com