Ururka Jaamacadda Carabta oo dib u dhigay booqasho uu ku imaanlahaa Soomaaliya.

 Sabti,Jan,13,2007 Jowhar,Somaliya

Ururka Jaamacadda Carabta Ayaa ayaa sheegay in ay dib u dhigeen socdaal ay dalka soomaaliya ku imaan lahaayeen xubno ka tirsan ururkaas,sida uu sheegayKaaliyaha Xoghayaha Guud ee ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Dhinaca Siyaasadda Axmed Bin Xill,isagoo sheegay in xubnaha ururka ay isku afgarteeen in dib loo dhigo booqasho ay xubno ka tirsan ururka ku imaan lahaayeen dalka soomaaliya.

Axmed bin xilli ayaa ku micneeyey sababta ay dib ugu dhigeen imaatinka xubno ka socday ururka jaamacadda carabta gudaha dalka soomaaliya xiisadaha dagaal ee ka soo cusboonaaday dalka soomaaliya,waxa uuna tilmaamayin ay ururka jaamacadda carabtu doonayaan in arrimaha dalka soomaaliya laga daayo faragalinta shisheeye,waxa uu yiri mowqifka jaamaadda carabta ee ku aadan arrimaha dalka wuu cadyahay"jaamacadda carabta marnaba ma ogola in la fara galiyo dalka soomaaliya taasna marar badan ayaan ka hadalnay".

Axmed bin xilli ayaa isagoo u waramyey wargeys ka soo baxa magaalada Qaahira ee dalka masar laguna magacaabo Alakbar waxa uu xusay in jaamacaddu ay mar walba dooneyso In ay xiriirro iyo Wada tashiyo Dheeri ah oo Ku aaddan Arrimaha Soomaaliya la yeelato dhinacyada daneeya Arrimaha Soomaaliya,Waxa Uu sheegay In ay lagama maarmaan tahay In wadahadalo dib u heshiisiineed loo Furo qeybaha isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya.

Bin Xilli Waxa Uu ku booriyey dowladda federaalka ee dalka Soomaaliya in ay ogolaato wadal ay la yeelato Golaha maxaakimta islaamka Soomaaliya, madaama ay Yihiin maxaakimtu Awood aan la qarin karin oo Ka Jirta Dalka Soomaaliya,waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto kulan dib u heshiisiineed oo dhex mara labada dhinac,si dib loogu hanto xasiloonidii ay maxaakiimtu ka islaaxiyeen qeybo badan oo dalka Soomaaliya ah.

Bin xilli ayaa ugu dambeyn cambaareeyey Mowqifka Dowladda federaalka Soomaaliya ay Kusoo Dhaweysay Weerarradii wuxuushinmada ahaa ee ay dowladda mareykanku ku soo qaaday dadka,dalka iyo diinta,hakaas oo ay ku xasuuqday dad aad u farbadan oo xoolo dhaqato ah iyo xoolihii ay lahaayeen,waxaana wararka goobha ay diyaaradaha mareykanku duqeeyeen laga helayo ay sheegayaan in goob kaliya ay ku geeriyoodden 70-qof oo xoolo dhaqato ah,iyagoo kulaashanayey dab ay shiteen goor habeen ah.

Cabdalla Max'ed Cabdille

cabdlla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com