Beesha Sacad oo maanta kulan la yeelatay  Col. C/laahi Yuusuf .

Sabti,Jan,13,2007 Muqdisho,Somaliya

Madaxwaynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho waxa uu kulan kulan kula yeeshay siyaasiin waxgarad iyo haween ka tirsan beesha Sacad.

Kulankan oo muddo saacado soconayey ayaa waxaa beesha Sacad horkacayey odayaal iyo siyaasiin ay ka mid ahaayeen Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid, siyaasiga Maxamed Faarax Jimcaale, Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” iyo Gen. Maxamed Warsame Dhooley waxaana dhamaan odayaasha siyaasiinta iyo Haweenkii ka qeybgalay kulanakas madaxwaynaha maanta uu la qaatay beesha ay ku taageereen dowladda fedraalka.

Xubnahan kale duwan ee isugu jiray siyaasiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda beesha Sacad oo halkaas ka hadlay ayaa dhamantood sheegay sida ay beesha diyaarka ugu tahay inay la shaqeyso dowladda fedraalka, waxaana ugu dambeyntii halkaas ka hadlay Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid oo sii adkeeyey tageerada beesha u heyso dowladda fedraalka.

Kulankaas ayaa waxaa soo gabagabeeyey madaxweynaha dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo sheegay in beesha looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan soo celinta ammaanka magaalada Muqdisho isagoo sheegay in magaalada Muqdisho weli ay ku sugan yihiin kooxa ka haray maxkamadihii Islaamiga kuwaas oo dhibaatooyin ka geysanaya magaalada Muqdisho.

Kulanka madaxweynaha dowlada fedraalka C/laahi yuusuf uu maanta la yeeshay waxgaradka siyaasiinta iyo haweenka besha Sacad ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo maalmahan madaxwaynaha la yeelanayeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com