![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Guddoomiyaha Barlamanka oo ku gacan seyray xaaladda deg deg ah ee Baarlamanka uu ansixiyay. Sabti,Jan,13,2007 Muqdisho,Somaliya Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wareysi siiyay Shabelle ayaa ku tilmaamay go'aano qalad ah oo aan sharciga waafaqsaneyn qorshaha xaaladda deg dega ah ee dalka lagu galiyay oo ay ansixiyeen maanta Baarlamanka Somalia. Gudoomiye Shariif Xasan oo isaga iyo labaatan xildhibaan oo ku fikir ah ay Kenya uga guureen dalka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in haatan ay yihiin isaga iyo Mudanayaasha la socdaba kuwa dalkoodii la heeysto, ayna weydiisanayaan caalamka in laga shaqeeyo sidii looga soo saari lahaa Somalia ciidamada Ethiopia, taas oo Shariifku tilmaamay in ay ku suurto galeyso, iyadoo lala soo deg dego ciidamada nabad ilaalinta ee Africa ka kooban. Baarlamanka Somalia ayaa maanta ansixiyay sharciga xaaladda deg dega ah ee lagu soo rogayo Somalia mudo 3 Bilood ah Mudanayaasha Baarlamanka ee maanta soo xaadiray oo tiradoodu gaareyso 156 Mudane ayaa u muuqday kuwo ku qanacsanaa qaabka loo soo xulay qodobadan marka laga reebo labo mudane oo ka aamustay. K/xigeenka labaad ee baarlamanka Somalia Cismaan Cilmi Boqorre ayaa cod far taag ah ka dib waxa uu ku dhawaaqay in uu ansax yahay sharcigaan. Cabdalla maxamed cabdille. Cabdalla45@hotmail.com Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||