Wafdi ka socda ururka jaamacadda carabta Ayaa maanta u Ambabaxaya Magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya.

AXAD,Jan,14,2007

Agaasimaha waaxda Afrika ee Ururka jaamacadda carabta Samiir Xusni Ayaa Sheegay In isaga iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Ay Goor Dhaw U socdaali Doonaan Dhinaca Waddanka itoobiya.

Waxa Uu sheegay In Socdaalkoodu Uu Ku Aaddan yahay Sidii Ay Uga Qeyb qaadan lahaayeen Shir Weyne Looga hadlayo Xiisadaha Soomaaliya Iyo Sidii wax Looga Qaban Lahaa oo uu Isugu Yeeray Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika Alfa Cumar Konari oo Dhawaan Ku Qabsoomi Doona Magaalada Addis Ababa.

Xusni Oo U warramayay wargeyska lagu magacaabo Alqabas ayaa sheegay In Waftiga ururka jaamacadda carabta uu Booqasho ku tagi doono  magaalada muqdisho

Samiir Xusni Waxa Uu Intaasi Ku Daray In Si ay Ciidamada Carabta ah Uga Qeyb qaataan Xoogagga nabad Ilaalinta Ee Soomaaliya In ay Lagama maarmaan Tahay In Wax laga baddalo qaraarkii kasoo Baxay Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay Ee Uu Tirsigiisu Ahaa 1725 Si ay u fududaato In ay dalalka carbeed ee Muslimka Ah Ciidamo Usoo Diraan Soomaaliya.

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com