Ciidamada Dowladda KMG oo ay la socdaan Ciidamo Ethiopian-ah,  ayaa saakay hawlgalo adag oo hub ururin ah ka bilaabay wadada weyn ee warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

AXAD,Jan,14,2007 Muqdisho,Somaliya

Waabarigii hore ee saakay ayaa lagu soo baraarugay ciidamo xad dhaaf ah oo ku hareeraysan xaafadaha Isgoyska Towfiiq Isbitalka Carafaat ilaa Isgoyska Ifka Xalane ee wadada Warshadaha, iyagoona si xoog ah ku galaya dhismooyinka ganacsi ee halkaasi ku yaala.

Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa dowladda oo baaritaano ka sameeyay Isbitalka Carafaat ayaa hub ka qaatey Isbitalkaasi, xilli shalay uu Baarlamanka Somalia uu hirgaliyay in xaalada deg deg ah  dalka lagu soo rogo.

Ciidamadan oo xalay iyo saakay ku gaafwareegayay qeybo ka mid ah xaafadaha ku dhow dhow Isbitalka Carafaat ee wadada Warshadaha ee Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa saakay gudahau galay Isbitalka Carafaat.

Ciidamadan ayaa waxa ay ka qaateen Isbitalka Qoryo fudud oo isugu jira BKM iyo AK47 oo tiradooda lagu sheegay 19 qori sida uu shabelle u sheegay Max'ed Xasan Nuur oo ka mid ah ilaalada Isbitalkaasi.

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxa ay weydiiyeen howl-wadeenada Isbitalka dadkii ku dhaawacmay qarax dhowaan ka dhacay agagaarka Isbitalka.

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com