Col. Cabdi Qeybdiid oo markii ugu horaysay ka hadlay Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Muqdisho.

AXAD,Jan,14,2007 Muqdisho,Somaliya

Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ahaa hogaamiyaashii ku bahoobay isbaheysigii burburay ee la dagaalanka argagaxisada ee maxkamdaha Islaamiga ah ay ka adkaadeen ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyada habeenkii ka dhaca qeybo ka tirsan Muqdisho ay ka dambeeyaan wax ugu yeeray kuwo doonaya xasilooni daro la'aan la dhacda Muqdisho, wuxuuna Qeybdiid Xusay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay dhowaan soo saari doonto qorshe wax looga qabanayo arrimahaasi.

Cabdi Qeybdiid ayaa dhinaca kale ka hadlay kulamadii hogaamiye kooxeedyada ay la qaateen dhawaan Madaxweynaha dowladad federaalka C/llaahi Yuusuf wuxuuna sheegay in kulankaasi uu ahaa mid loogu hadlay sidii hogaamiyaasha hubkooda iyo maleeshiyadooda ay ugu soo wareejin lahaayeen Dowladda ugana qeyb qaadan lahaayeen howlaha ay dowladdu ay waddo.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay inuu dhamaaday xiligiii dagaalka, waxii hada ka dambeeyana waxaa la isku raacay in loo soo jeesto danaha Ummada Soomaaliyeed iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa kuwa dhibaatada la daba taagan shacabka Soomaaliyeed, wuxuna Qeybdiid cusay inu diyaar u yahay hubkiisa inuu ku wareejiyo dowladda federaalka Soomaaliya. Hadalkaan ayuu cabdi Qaybdii ka sheegay meeel fagaare ah oo uukula hadlay dadka degan buur hindi ee degmada wardhiigley. Asgoona gala hadlay dakii isku soo baxy sidii ay utaageeri lahaayeen dawlada kumeel gaarka ha.

Waa markii ugu horaysay ee col/ Cabdi Qaybdiid ka hadlo Qaraxyadii dhawaan ka dacay magaalda Muqdisho eel ala beegsaday ciidamada dawlada kumeel gaarka ah iyo kuwa ithopi ee ayagu ku sugan caasimada soomaaliya ee Muqdsho.

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com