Gen..Morgan oo Villa Somaliya kulan kula Qaatay C/laahi Yusuf axmed.

 AXAD,Jan,14,2007 Muqdisho,Somaliya

Gen.Maxamed Siciid Xirsi (Gen.Morgan) ayaa maanta kulan khaas ah Madaxtooyada Somaliya kula yeeshay Madaxweynaha.

Kulankan ayaa ahaa mid ay irridaha u xiran yihiin, ayadoo aan laga soo saarin wax go'aano ah.

Gen.Morgan ayaa muddo bilo ah ku sugnaa gudaha magaalada Muqdisho, ayadoo ay horey u jireen khilaaf siyaasadeed oo ku dhex jiray C/laahi Yusuf Madaxweynaha Federaalka iyo Gen.Morgan oo mar kamid ahaan jiray hogaamiyaasha ugu magac dheer dalka Somaliya.

Madaxweynaha Federaalka C/laahi Yusuf ayaa maalmihii lasoo dhaafay Xarunta Villa Somaliya kula kulmayey hogaamiyaal kala gedisan oo ku sugan Muqdisho.

Horey ayay halkaasi kulan ugu yeesheen Madaxweynaha iyo Hogaamiyihii Dowladii Carta C/qaasim Salaad Xassan.

Waxaa sidoo kale shirar kala gedisan yeeshay C/laahi Yusuf iyo hogaamiye kooxeedkii Muqdisho oo ayagu ogolaaday in ay hubkooda ku wareejiyaan xukuumada.

Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyey oo ay yeeshaan C/laahi Yusuf iyo Gen.Morgan muddo sanado ah, ayagoo horey isugu soo jiiray xaga siyaasada xiligii uu magaalada Nairobi ka socday Shirkii Dib u heshiisiinta Somaliya iyo dhismihii DFKMG.

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com