Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay Kooxo Hubaysan Oo Rasaas ku Furay Gaari Xamuul ah Deegaanka  Bajeele Ee Gobolka Mudug.

Jan,14,2008  www.Hobyoradio.com

Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay Kooxo Hubaysan Oo Rasaas ku Furay Gaari Xamuul ah Deegaanka  Bajeele Ee Gobolka Mudug.
 
ilaa 3ruux oo rayid ah ayaa ku geeryootay 7kala dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii kooxo hubaysan ay tacshiirad huwiyeen gaari xamuul ah oo ka an babaxay magaalda Gaalkacyo kuna sii jeeday deegaanka xarardheere ee gobolka Mudug gaarigan oo noociisu ahaa bagaase oo ah gawaarida waa wayn ee xamuulka qaada ayaa ka anbaxba magaalda Gaalkacyo asagoona xiligaas rar badan iyo dad rakaab ah u waday qaybo katirsan gobolka mudug oo ay Xarardheere ka mid tahay.


Waxaana wararku sheegayaan in kooxahaan hubaysan ay gaariga u galeen meel aan sidaas uga fogayn deegaanka bajeela oo 75km magaalda Gaalkacyo ujirta, waxa ayna ku fureen rasaas xoog leh taasoo sababtay geerida 3ruux oo ka tirsanaa rakaabkii saarnaa gaariga iyo dhaawaca 7kale waxaana dadkii dhaawacmay loo soo qaaday isbitaalka weyn ee magaalda Gaalkacyo ee dhanianca dawlada goboleedka Gal-mudug state dadkaasi dhaawaca ah ayaa qaarkood xaaladoodu tahay mid aad uliidata sid aay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan dhaqaatiirta ka hawl gasha isbitaalka galakcyo waxaan aimnka dakaasi lagu daawaynayaa gudha isbitaalka.
 
gudoomiyaha gudig amnig ee dawlad goboleedka Gal-mudug state Col. Cabdi jaamac xabeeb oo aan wax ka waydiinay arimaahna nabad galyada  ah ee ka soo cusboonaaday qaybo ka tirsan gobolka mudug ayaa sheegay in ay arintaasi si deg deg ah wax uga qabnayaan ayna u dirayaan saraakiil iyo ciidamo talaabo ka qaada kooxihii gaystay falkaasi naxdinta leh falkaan ayaan la ogayn sababta ka danbaysa  hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegay in ay tahay aano qabiil oo aan la faah faahin waxa ay tahay waan markii ugu horaysay oo fal caynkaan ah uu ka dhaco deegaanka Bajeela ee gobolka Mudug.

Cabdalla Max'd cabdille
warqabdka hobyoradio
Gaalkacyo,Gal-mudug state
cabdalla45@hotmail.com
Mobail:00252162270923
002525 752260

 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com