Gudoomiayaha Ururka Hobyo Relif Mr. Duraan Cali Dabadi Oo booqday Iskuulka Sare SYL Deegaanda Gal-mudug State   {Daawo Sawirada}

Jan,14,2008  www.Hobyoradio.com

Gudoomiyaha ururka Hobyo Relif And Developent ORG duaraan cali dabaadi kana mid ah jaaliyada Gal-mudug ee Sweden ayaa dhawaan hawlo shaqo ku yimid magaalda Gaalkacyo ee xarunta dowlad goboleedka  Gal-mudug state asagoo intii uu joogayna indho indhayn ku sameeyay sida ay usocdaan howlaha kala duwan ee magalada Gaalcakyo gaar ahaa dhinacyada wax barshada iyo caafimaadka waxa uuna gudoomiyuhu booqday iskuulo badan oo kuyaal magaalda Gaalkacyo iyo xarumaha caafimaadka gaar ahaan isbitaalka weyn ee magaalda Gaalkacyo ee dhinaca Gal-mudug state oo asgu ah kan kaliya ee si rasmi ah caafimaad ahaan hada ka hawl gala gobolka Mudug.

Booqashada  iskuulka Sare ee SYL OO uu Maamule ka Yahay Dr. Diirshe

Duraan Cali Dabaadi gudoomiyaha ururka Hobyo Relif ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay ururada samfalka ee ka hal gala deegaanda gala mudug state oo uu kala hadlay sida ay lagama maar maanka utahay u adeegidda bulshada iyo in wax kasta laga hor mariyo danta umadda oo hor umarkeeda laga shaqeeyo kulamo kuwaasi lamid ahna gudoomiyuhu waxa uu la qaatay masuulyiin katirsan Gal-mudug state ee xarutoodu tahay magaalda Gaalkacyo.

Gudomiyaha Gudiga Waalidiinka Cali Cumar.

Sidoo kale waxa uu mudane duraan cali dabaadi safar dheer oo dhulka ah ku maray ilaa15 degmo iyo magaalo oo ka tirsan gobolka mudug iyo hobyo oo xaaladooda soo ogaanayay islamarkaasina odayaasha iyo wax garadka deegaanadaasi kulamo uu la yeeshay ka dhagaysatay xaaldaha guud ee meel kata oo uu gudoomiyu maray.waxaana ka mid ahaa goobihii uu socdaalka dheer ku soo amray mudo dhan todobaad Dajimaale,Xingod, Budbud, Afwayn, idaan,Kalad,Labad,Hobyo,Gawan,Wasil,Celdibir, Xero-dhagaxley, Afgaduudle,Hadile Celguula,Gal-barwaaqo,Wargalo,Docol,Laasa-cadale,Dagaari,Sadex-higlo,Bandiiradley, iyo Deeganaka Galin-Soor oo isna ka tirsan deganada gal-mudg ee gal-gaduud.


Dhamaan goobaahi uu gudomiayahu socdaalka ku soo kala bixyay ayuu ugu danbayntii mar hobyoradio uu uwaramayay uu sheegay in ururkiisa uu mashaariic ka bilaabayo inta badan deegaanda Mudug iyo hobyo waxa uuna xusay in hada meelaha ugu daran uu waxa ka qabayo ay ka mid tahay
Iskuulkadka kala ah H/Dhexe AL.Bader, Galakcyo.H/Dhexe Hobyo oo ku yaal magaalada Hobyo oo ay k ajiraan baahio dhanka agbaka wax barshada iyo dhismooyinka ah.


Isbtaalka xeero-dhagaxley oo isna u baahan dhisme iyo daawo,warshada kaluunka iidaana oo bur bur xoogan uu ka muuqdo una baahan dayactir dhanka dhismaha ah,iyo sidoo kale deegaanka labaad oo uu  Duraan sheegay in uu tababar u sameyanayo dadka ka shaqaysta xeebta labaad iyo matooro doomaha ciladaysan oo yaala xeebta labaad uu u iibinayo Waxa xusid mudan in  goobaha uu gudoomiyuhu sheegay ay yihiin  kuwo ubaahan balan qaadka uu usameeyay.


Sidoo akle gudoomiayaha ururka Hobyo Relif And Developent ORG duaraan cali dabaadi ayaa xusay inuu dhawaan dib ugu soo laabanayo magaalada Gaalkacyo asagoona markaasi guda galidoona hawlaha mashaariicda ee urrkiisa uu ka fulnayo deegaanda dawlad goboleedka Gal-mudug State aydoona talaabadaan uu duraan cali dabaadi qaaday tahay mid deegaanda Gal-mudug usoo kordhinayso hor umar aad uwanaagsan.
 

Cabdalla Max'd cabdille
warqabdka hobyoradio
Gaalkacyo,Gal-mudug state
cabdalla45@hotmail.com
Mobail:00252162270923
002525 752260

 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com