C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Wareegto uu soo saaray ku  magacabay maamulka gobolka Banadir.

 Isniin,Jan,15,2007 Muqdisho,Somaliya

Wareegto ka soo baxday xafiiska C.laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta lagu magacaabay maamul cusub oo uu yeesho gobolka Banadir.

Wareegtadaan  ayaa  waxaa Mayorka gobolka Banadir laga dhigay Max'uud Xasan Cali Cadde Gaaboow, K/xigeenka siyaasadda iyo nabadgalyada Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, K/xigeenka dhaqaalaha iyo maaliyadda Xasan Max'ed Nuur Qalaad, K/xigeenka howlaha guud iyo arimaha bulshada C/qaadir Suufi Muriidi Goolof.


Magacaabista xubnahaan Cusub ee maamulka gobolka Banadir ayaa ku soo beegmay xilli ay magaalada Muqdisho kacsantahay oo ay jiraan weeraro lala beegsanayo ciidamada Itoobiyaanka ee xooga ku jooga dalka Somaaliya.

Wareegtadan ayaa timid kadib markii baarlamaanka fadhiya Baydhabo uu galiyay xaalad deg deg ah dalka Soomaaliya.

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com