![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Weerar baabuur looga gubay Ciidamada Tikreega Itoobiya iyo kuwa lagu adeeganayo ee Soomaalida ayaa ka dhacay Wadada Warshadaha ee magalada Muqdisho. Isniin,Jan,15,2007 Muqdisho,Somaliya Inta u dhaxaysa Ex-control Balcad ilaa xaafadda Caymiska, ayaa marqura waxaa isqabsaday abaarihii 10:00 oo daqiiqado la' Qaraxyo culus, iyo rasaas xooggan oo raacday, socotayna muddo ka badan nusa-saac, ka dib markii maleeshiyaad watay gaari nooca Cabdi-Bilaha loo yaqaano ay weerar gaadmo ah la beegsadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia, xilli ay halkaasi marayeen.
Dagaalkaan oo qasaaro nafeed geeystay ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn qasaarihiisa, laakiin dadka deegaanka waxa ay ku warameen in ay arkeen meydka nin sida la sheegay dhagool ah oo halkaasi yaalla. Boqolaal dad ah ayaa saakay isugu soo baxay goobihii iska horimaadka uu ka dhacay oo lagu arkayay ciidamo ku qalabeysan Taankiyo oo isku gadaamay. Cabdalla maxamed cabdille. Cabdalla45@hotmail.com Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||