Dowladda KMG ah ee Somalia oo albaabada u laabtay idaacadaha shabelle, Hornafrik, Idaacadda Qur'aanka kariimka iyo xafiiska TV ka Aljaseera ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Isniin,Jan,15,2007 Muqdisho,Somaliya

War deg deg ah. (Dowlad ku sheega Somaliya

Qoraal ka soo baxay Hay'adda nabad sugidda qaranka dowladda Somaliya ayaa lagu amaray in la xiro qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho iyo mid ka mid ah TV yada caalamka xafiiskooda magaalada Muqdisho.

Qoraalkaan oo goordhow ka soo baxay hay'adda Nabad sugidda qaranka dowladda KMG ah ayaa waxaa lagu amray in la xiro idaacadaha shabelle, Hornafrik, Idaacadda Qur'aanka kariimka iyo xafiiska TV ka Aljaseera ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Qoraalkaan ayaa waxa uu farayaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 15 ka bisha Janaayo 2007 da in la farayo dhamaan hay'adahaasi aan kor ku soo sheegnay in ay joojiyaan howlaha warbaahineed oo ay wadaan mar allaale iyo markii ay soo gaarto warqaddani.

Agaasimayaasha Idaacadaha iyo TV ga Aljazeera waxaa la farayaa in ay yimaadaan xafiiska nabad sugidda qaranka ee gobolka Banadir, kaasoo ku yaala Baar Fiat, taariikhdu marka ay tahay bisha 16 ka bishaan oo ku beegan beri saacadu marka ay tahay 10 ka subaxnimo.

Qoraalka ka soo baxay hay'adda Nabad sugidda qaranka Waxaa ku saxiixan Taliyaha nabad sugidda qaranka ee gobolka Banadir G/sare Axmed Xasan Cali.

Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa horey u soo xirtey idaacadda Shabelle ee magaalada Baydhabo sanadkii la soo dhaafay.

KU. Idaacadda HornAfrik
KU: Idaacadda Shabeele
KU: Idaacadda Quraanka Kariimka
KU: TV-ga Al-Jazeera Muqdisho

Ujeeddo: Joojin Idaacad

Laga billaabo maanta oo ay Taariikhda tahay 15-01-2007 waxaa la idin farayaa in aad joojisaan howsha Idaacadaha, mart alle iyo markii ay idin soo gaarto warqaddan.

Agaasimayaasha Idaacadaha iyo Telfishinka kor ku xusan, waxaa la farayaa inay yimaadaan, xafiiska nabadsugidda Qaranka ee gobolka Banaadir, kaasoo ku yaala agagaarka Baar FIAT, Taariikhdu marka ay tahay 16-01-2007, saacadduna ay tahay 10:00 am si loola socod siiyo arrimo iyaga quseeyo.

Mahadsanidiin

Taliyaha nabad sugidda Qaranka ee gobolka Banaadir
G/sare Axmed Xasan Cali

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com