Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo maanta Nairobi maxkamad lagu soo taagay.

Isniin,Jan,15,2007

Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah ganacsatada caanka ah ee magaaladan Muqdisho sida weyna u taageeri jiray maxkamadaha Islaamiga ah ayaa maanta maxkamad lagu soo taagay magaalada Nairobi dalka Kenya isagoo lagu eedeeyey inuu taageero u fidin jiray maxkamadaha Islaamiga ah ee looga awood roonaaday dagaaladii ay la galeen ciidamada dowladda iyo Kuwa Itoobiya, isla markaana uu gacan siin jiray kooxaha argagaxisada ah ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sheegay in ganacsade Abuukar Cumar Cadaan wax laga weydiin doono inta dacwadiisu ay socoto qaraxyadii loo geystay safaaradaha Maraykanka ee bariga Afrika iyo waxa uu kala socdo cida ku lugta laheyd, waxaana ganacsadaha oo todobaad ka hor isku soo dhiibay ciidamada ilaalada xuduudaha Kenya, mudooyinkanka ku jiray isbitaal ku yaala magaalada Nairobi lagu wadaa in dhegeysiga dacwadiisu ay in muddo ah socoto.

Qaar ka tirsan dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi ayaa isweydiinaya waxa maxkamadan ay ku xukumi doonto Xaaji Abuukar Cadaan haddiiba lagu helo dembiyada loo heysto, iyadoo la sheegayo in xaajigu maxkamada la soo taagayo isagoo xanuunsanaya.

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com