![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Diinaari oo faah faahin ka bixiyay Sababta loo xiray idaacadaha gaarka ah ee Muqdisho. Isniin,Jan,15,2007 Iyadoo maanta amar ka soo baxay xafiiska nabad sugida qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya albaabada loogu laabay idaacadihii Hornafrik, Shabelle, iyo UQK (Quraanka kariimka) ayaa waxaa arrintaasi faah faahin ka bixiyay afhayeenka dowladda federaalka C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari isagoo tilmaamay in sababta idaacadahan loo xiray ay qeyb ka tahay xaaladda deg deg ah (Martial Low) ee lagu soo rogay dalka Soomaaliya. Diinaari ayaa xusay in sababta sida gaarka ah albaabada loogu laabay saddex-dan idaacadood iyo xafiiska TV-ga Al jazeera ay tahay inay ahaayeen maamuladan kuwo si gaar ah u baahin jiray waxyaabo ka horjeeda xasiloonida isla markaana kala fogeynaya shacabka iyo dowladda federaalka, sida uu hadalka u dhigay. “Magaalada Muqdisho waa la ogyahay waxaa ka howlgala hay'addo warbaahineed oo aad u tiro badan, oo ay ka mid yihiin kuwa Caalami ah, mana jirto wax xorriyadooda loo geysto, balse qof walba wuu ogyahay sababta idaacadahan sida gaarka ah loo damiyay, waqti badan ayaanu u dul qaadanay maamuladan waana loo dul qaadan waayay” ayuu yiri Diinaari oo sidoo kale xusay in loo yeeray madaxda maamulada idaacadahan laguna war gelin doono inay qaataan Leysino ayna ku shaqeyn doonaan sharciga u degsan dowladda iyo xaaladda deg deg ah. “Waxaa la wada ogsoonyahay in dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah, sababtuna tahay in la xasiliyo dalka, idaacadahana waxay baahiyaan warar aan xaqiiqda ku dhisneyn, kicinta dadka iyo abaabulka, dowladuna ma ogolaaneyso inay dhegeysato wax ka hor imaanaya xasiloonida iyo dareenka dadka, waana taas arrinta rasmiga ah ee amarka ku dhacay idaacadahan maanta” ayuu yiri ugu dambeyntii afhayeenka dowladda C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari. Hadalka diinaari ayaa ka danbeeyay kadib markii Qaar katirsan idaacadihii madaxa banaanaa ee muqdsho lagu amaray inay joojiyaan shaqada wareegto ka soo baxday madaxda amaanka ee muQdsho u Qaabilsan dawlada fedaraalka ku meel gaarka Cabdalla maxamed cabdille. Cabdalla45@hotmail.com Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||