Ururka Haweenka Tawakal Ee Dalka Norwey Oo Deeq Lacageed Soo Gaarsiiyay Iskuulka H/DHexe C/laahi Ciise Ee Magaalda Galkacyo.

Jan,15,2008  www.Hobyoradio.com

Ururka haweenka TAWAKAL oo ah urur Saldhigiisu yahay Norway ayaa dhawaan deeq lacageed soo gaarsiiyay iskuulka hoose dhexe c/laahi ciise oo ka mid ah iskuulaadka wax barshada ee ku yaal magaalda Gaalkacyo ee xarun goboleedka Gal-mduug state, deeqdaas oo uu usoomariyay uruka Haweenka Midnimo.

Iskuulka Hose/ Ee C/llaahi Ciise

Kuraastii loogu Deeqay Iskuulka C/llahi Ise

Tawakal norway ayaa ku deeqday Kuraas Cusub

Ardayda Dugsiga Hose ee C/llahi Cise oo ay Farxadi Ka muuqato

Iskuulka C/laahi Ciise oo ay dhigtaan arday gaaraysa 300,sadex boqol oo ardayda oo iskugu jira gabdho iyo wiilal ayaa waxaa gacanta ku haya ururada Daryeel iyo SOSDA oo ka saacida dhanka mushaaraadka macalimiinta iyo agbka wax barshada oo ay iyagu isku xilaaqaameen in ay taakuleeyaan inta awoodooda ah iyadoona in badan ay fangaray nayeen ururadaasi ayaa hadana waxaa jirtay in sikuulka ay hayso baahiyo badan oo dhanka wax barashada ah sida kuraasta iyo miisaka ay ardaydu wax ku baranayaan oo ciriiri badani uu ka jiro sababtuna ay tahay ardayda iskuulka oo bi waliba soo badanaya isla markaasina aysan ay ciriiri ku yiiin kuraasta wax barshada.

(Duug)   Kuraastii Hore

(Cusayb)  Kuraastii Dambe

Waxaana jiray arday dantu kalifaty in ay wax ku bartaan kuraas la’aantaasi oo lagu fadhiisiyo saliyo ama darmo qofba siduu uyaaqn taasoo ardaydu ay dhibaato ku qabeen maadaama aysa dhamays tirnayn agbkooda wax barsho, ilaa laba fasala oo ka mid ah iskuulka C/laahi ciise ayaa ardayda dhigata ay haysatay dhibaatadaasi Dhawaan waxaa kormeer ku tagay iskuulka c/laahi ciise ismeehaan wareeje oo ka mid ah jaaliyada dibada ee norweyn ahna xibin ka tirsan ururka tawakal ee dalkaasi aydoona ismehaan xiligaasi hawlo shaqo ku timid deegaanda Gal-mudug isla markaasina aragtay baahida ay qabaan aradayda ee dhinaca ciriiriga agbka wax barshada ah
Kadib laabashadii ay ismeehaan wareeje ee dalka norweyn ugana warbixsay xubnaha kale ee ururka tawakal ayay usoo direen iskuulka c/laahi ciise deeq lacageed oo wax looga qabanayo baahida wax barsho ee skuulkaasi.

Deeqdaan oo gaaraysa $1000,kun doolar, ayaa waxaa lagu wareejiayay gudiga waalidiinta iskuulka c/laahi ciise iyo ururka SOSDA oo gacanta ku haya iskuulka hawlihiisana xil gooni ah iska saaray.waxaana durba masuuliyiintii loo dhibay lacgtasi ay guda galeen sameynta agbkii wax barshada ee ay ubaahnaayeen ardayda aydoona loo sameeyay kuraas iyo miisas ilaa daboolaysa qayb ka mid ah baahida iskuulkaasi.

Waxaa sidoo akel goob joog aka ahaa samaynta agbkaasi iyo la socodkooda ururka haweeenka MIDNIMO ee magaalda Gaalkacyo oo ay ka socdeen masuuliyinta kala ah gudoomiyaha ururkaasi marwo xabiibo koofurow,caasho max’d barre,iyo shukiri sheekh doon oo dhamaantood ka mid ah ururka haweenka midnomo ee Gaalkacyo.

Maamulka iskuulka c/laahi ciise gudiga waalidiinta iskuulka iyo ururka SOSDA ayaa uga mahd celiayay ururka haweenka TAWAKAL ee norweyn deeqda ay soo gaarsiiyeen ardayda iskuulka iyo sida ay unuujiyeen taageeridda dhanka wax barshada ah.

Xabiibo Koofurow Iyo Shuuke Xogolof

Madaxada Hay'ada Sosda oo Kormeeraya

Ururka Haweenka Midnimo oo Kormeeraya

Agaaimaha ururka wadaniga ah SOSDA C/naasir cabdulaahi {shuuke}oo ku hadlayay magaca ururka sosda ayaa mahad celin balaaran u jeediayay gabdaha jaaliyada gal-mudug ee ku bohoobay ururka tawakal asgoona dhamaan jaaliayda reer gal-mudug ee ku kala nool wadanka dibadiisa ku booriayay in ay qayb ka qaataa dhiri galinta wax brshada deegaanda            Gal-mudug state.


F.G.Sawirada aad arkaysid waa kuraastii loo sameeyay fasalada iskuulka c/laahi ciise waqtigii lagu blaabay farsamada iyo aradaydii oo kuraasta ku fadhiada.


Hadii aan nahay Bahada hobyorado waxan mahad celin balaaran ujeedinayanaa ururka TAWAKAL sida wanaagsan ee ay u muujiyeen taageeridda iskuulaadka deegaanda GalMudug State.


Cabdalla Max’d Cabdille
Warbaahinta Hobyoradio
Galakcyo,Gal-Mudug State SOMalia,
Mobail: 002525 752260
002521 62270923
cbadalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com