![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Idaacadihii shalay dawladu xirtay oo loo fasaxay inay shaqadoodii dib ubilaabaan. Talado,Jan,16,2007 24 saac kadib dowladda federaalka KMG Soomaaliya ayaa fasaxday saddexdii idaacadood ee ay shalay ku amartay inay hawada ka baxaan taasoo ay u hogaansameen maamulada idaacadahaasi waxayna arrintani ka dambeysay kadib kulan saacado qaatay oo ay maanta ku wada qaateen madaxa xafiiska nabad sugida Qaranka ee dowladda iyo mas'uuliyiin ka socotay idaacadaha. Idaacadaha Hornafrik, Shabelle iyo IQK (Quraanka kariimka) ayaa iyagu hal mar dib hawada looga maqlay, iyadoo mas'uul u hadlay idaacaddaha hornafrik-na uu sheegay in ay wadahadal dheer kadib ku war gelisay dowladdu inay daartaan FM-yadooda ayna la shaqeeyaan dowladda, inkastoo uusan sheegin wax shuruudo ah ama qoraalo ah oo ay kala saxiideen. Sidoo kale, mas'uulkan ayaa xusay in kulankan maanta aaney ka soo qeyb galin mas'uul ama wasiir ka socday wasaaradaha ku shaqada leh saxaafada ee dowladda federaalka, gaar ahaana wasaarada warfaafinta, ama afhayeenada dowladda. Dhinaca kale, Afhayeenka dowladda C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari oo saxaafada la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaalihii ay isla soo qaadeen mas'uuliyiintii ka socotay maamulada idaacadahan, wuxuuna xaqiijiyay inuu kulankaasi goob joog ka ahaa isagu, uuna si gaar ah u faray mas'uuliyiintaasi inay dowladda la shaqeeyaan isla markaana ay joojiyaan wararka nabadda wax I dhimaya sida uu hadalka u dhigay Diinaari. “Waan fasaxnay idaacaha, mana jirin wax shuruud ah oo aan ku xirin, balse waxaan farnay inay nagala shaqeeyaan nabadda iyo dib u dhiska dalka, waxaana kaloo ku wargelinay in wasaarada dowladda u qaabilsan saxaafada ay u sameyn doonto sharciyo iyo xeerar ay ku wada shaqeeyaan saxaafada iyo dowladda federaalka” ayuu yiri ugu vft Cabdalla maxamed cabdille. Cabdalla45@hotmail.com Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||