Cabbaas Maxamed Ducaale oo sheegay inay soo dhawynayaan dhismaha rugta ganacsiga soomaaliyeed iyo maamul usamaynta Gobolka Banaadir.

Talado,Jan,16,2007

 Guddiga Midowga Ganacsata Gobolka Banaadir oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku maryo; iyagoo sidoo kalena sheegay inay ayideen guddigii loo magacaabay inay soo dhisaan rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo uu dhawaan magacaabay Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. C/llaahi Axmed Afrax.

Afhayeenka Guddiga Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Eng. Cabbaas Maxamed Ducaale oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan guddiga ka kooban 25-ka xubnood ee uu madaxda ka yahay Shariif Axmed Sheekh Maxamed oo wax weyn ka taraya ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale Eng. Cabbaas wuxuu sheegay in tallaabadaan ay si weyn u soo dhaweynayaan isla markaana ay ahayd mid loo baahnaa in goor hore la qaado, afhayeenka ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan xubnahaan 25-ka ah, sidoo kalena wuxuu sheegay inay u arkaan inay yihiin xubnaha la magacaabay kuwo howshaas u firfircoon “Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir waxay soo dhaweynayaan dhismaha rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, guddiga Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadirna aad iyo aad ayay isugu raaceen isuguna afgarteen dhismaha Rugta Ganacsiga in la dadajiyo” ayuu yiri Eng. Cabbaas oo la hadlayay Saxaafadda.

Afhayeenka Guddiga Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Eng. Cabbaas Maxamed Ducaale wuxuu sheegay in guddiga uu aad u soo dhaweynayo dadaalka uu muujiyay Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya & Wasaaraddiisa Ganacsiga ayna tahay arrin aad iyo aad loo soo dhaweeyo.

“Guddiga Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir wuxuu soo dhaweynayaa in meel qura la isugu keeno Ganasatada Soomaaliyeed, maadaama uu hadda ka hor ganacsiga ahaa mid kala firirsan, isla markaana ay hal meel uga wada jaanqaadi lahaayeen” ayuu yiri Eng. Cabbaas Maxamed Ducaale.

Dhanka kale, guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan maamulka cusub ee Gobolka Banaadir loo dhisay ee uu madaxda ka yahay Cadde Gaaboow, iyo weliba ku xigeennadiisa.

“Waxaan rajeynaynaa in Maamulka Cusub ee loo dhisay Gobolka Banaadir ay si dhaso badan u sugaan ammaanka Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya, waxaana rajeynaynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan howlahooda u gutaan uuna ALLE ku garabgalo howlahooda, ganacsataduna waxay ballanqaadayaan inay la shaqeyn doonaan maamulka cusub ee gobolka Banaadir” Eng. Cabbaas Maxamed Ducaale.

Kalankii maanta ee Ganacsatada Gobolka Banaadir waxaa goobjoog ka ahaa: Guddoomiyaha Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Maxamuud C/kariim gabayre iyo xubno kale oo ka tirasan ganacsatada g/banaadir.

Cabdalla maxamed cabdille.

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com