Dibad baxyo Rabshada Wata Oo Maanta Hareeyay Guud Ahaan Magaalada Gaalkacyo. {Daawo Sawirada}

Jan,16,2008  www.Hobyoradio.com


Banaan baxa oo kadhacay dhoowr jiho oo katirsan magaalada ayaa kii ugu horeeyay waxa uu saaka kabilowday bartamaha suuqa sarifka ee magaalada gaalkacyo halkaasoo ay ka dhaceen rab shado ay kuwax yeeloobeen dadrayid ah in ta la ogyahay ilaa sadex qof ayaa ku dhaawacantay dibadbaxyadii saaka kuwaasoo ay haleeshay rasaas ay fureen ilaalada baqaarada ganacsiga qaarkood iyo sido kale daka dibd baxa samaynayay oo dhagaxtuurayay guud ahaan goobaha ganacsiga magaalda.

Boqolaal dadaweynaha magaladda Gaalkacyo oo dibad Baxaya.

Wasiir K/xigeenka Ganacsiga Galmudug Marwo. Xabiibo Koofurow


Dadka dhaawac may ayaa waxaa kujira haween ay haleeshay xabad ay rideen ilaalda baqaarda galakcyo.waxaa kale oo ku dhaawacmay rabshadahaas labo wiil oo dhalin yaro ah dhamaan dadka dhaawacamay ayaa loo qaaday isbitalka weyn magaalda Gaalkacyo ee Gal-mudug state
xariir aan la sameeyay dhaqaatiirta isbitalak ayaa ii sheegay in ay dadkaasi xaaldoodu wanaagsantahay.

Ganacsade Muxuyadiin Ciise

Banaanbaxaan ayaa waxaa ka qayb qaatay boqolaal dada oo kasoo kala tagay waqooyiga iyo koon furta m/gaalkacyo kuwaasoo kacabana sicir bararka kajira suuqyada magaalada gaalkacyo iyo lacagago faaliso ah oo todo baankaan siwayn usoo ugu soo qulqulayay suuq yada magaalada galakcyo sid ala sheegay ay ka yimaadeen dhinaca mgaald boosaaso.
banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar kamida qanac satada m/Gaalkacyo waxana dhamaamba istaagay saaka howlihii ganacsi ee kasocday qaybo kamida m/Gaalkacyo


Mid kamid ah Sariflayaasha Suuqa

Dibad baxa yaasha ayaa socod ku soomaray wadooyinka waaween ee m/gaalkacyo kuwaasoo ku qayli nayay ereyo ay kamid ahaayeen dooni mayno sicir bararka dooni maynolacagaha faal sadaa dibad baxa yaasha ayaa dhamaamba xiray goobihii ganacsi ee ku yaaaalay hareeraha wadooyin m.kaalkacyo kadib markii ay dhagaxaan ,ulo .iyo biro ay ku garaaceen mil kii layaashii goobahaasi ganacsi taa oo keentay in ganac satada qaarkood ay Rasaas kor uridaan waxaana jawiga magaaladu saakay iyo maanta uu ahaa mid aad uka csan marka la eego sidii uu maalmihii hire ahaa aydoona aysan jirin haba yaraatee wax ganacsi ah oo magaalada maanta ka socday.


Muxiyadiin Ciise diiriye oo ka mid ah ganacsada magaald agalakcyo kana mid ah qaban qaabiyaasha dibd bixii maanta ayaa hobyoadio usheegay in uu sii socon doono ilaa isbadal uu ku yimaada gancsiga sabaynayam sidoo kale wasiir ku xigeenka gancsiga ee dawlad goboleedka gal-mudug satate xabiibo koofurow oo iyana gudha suuqa galakcyo hobyoradio ugu wramaysay xili uu dibad buxu si xoogan usocday ayaa sheegatay in uu dibad baxa ay qayb ka yihiin ka maamul ahaan Gal-mudug ayna ku taageersanyihiin cabshada daka shacabka ah ee lacagah faalisada ah dak wax ma gartada ah soo daabeceen
isku so wada duuboo waa dibad bixii ugu wyanaa ee galakcyo soo mara in mudo ah aydoona inta badan ayd aku cabshadoodu tahay lacagha shaqsiyaadku soo daabcaan ee Gaalkacyo suu buuxinaya. 

 
Cabdalla Max’d Cabdille
Warbaahinta Hobyoradio
Galakcyo,Gal-Mudug State SOMalia,
Mobail: 002525 752260
002521 62270923
cbadalla45@hotmail.com

Muqdisho, Somalia

Gabay  Dabadhilif  Tigree soo horkacey iyo walee duufle baayimide.
May-muun Sheekh Aden.

Nuur Cadde

Waa Kuma Nuur Cadde Maxuuse soo qabtay.

Taariikh Gaaban.

Wuxuu lasoo shaqeeyay Hay' adda dambi Baarista  oo loo yaqaan INTERPOL oo uu jaajuus u ahaa.

kadib wuxuu jagooyin kasoo qabtay taliskii dhiig yacabka ahaa ee Mohamed Siyaad Barre

Nuur Cadde wuxuu joogay Maxkamadii  badbaadada oo ah meeshii ummada lagu xukumi jiray.

Nuur wuxuu ka qayb qaatay Dagaaladii Sokeeye asagoo ku garab ahaa Mujrim Cali Mahdi Mohamed, kadibna wuxuu u wareegay Muuse Suudi oo ay isla yihiin Jufada Hoose ee Wacbuudhan.

Nuur Cadde wuxuu u wareegay ururka Red Cros (NGO) oo oga manaafacaad badan dagaalkii sokeeye oo uu hubka iyo  Saanada kasoo qaadayay Itoobiya.

Wuxuu soo qabtay

1- Taliye ku xigeen xafiiska siyaasadda, kobcinta iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

2- Madaxa xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee ciidanka Boliska Soomaaliyeed.

3- Ku-xigeen xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka

4- Xeer illaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada Dalka Soomaaliyeed.

Nuur Cadde oo ah nin Haruubkiisu Buuxo kuna jira  sanad 70 ayaa doortay inuu la shaqeeyo  Cadowga Itoobiya iyo Mujrim C/laahi Yusuf.

Hadaba waxaa lais wey diinayaa Muxuu soo kordhin karaa??????

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com