Kulan lagu balansanaa ayaa maanta dhexmaray masuuliyiin kakalasocotay maamulada Galmudug Iyo Putlaand

Jan,17,2010 www.Hobyoradio.com

Kulan lagu balansanaa ayaa maanta dhexmaray masuuliyiin kakalasocotay maamulada Galmudug Iyo Putlaand.

 
 
Kulankaan ayaa waxaa looga arinsanayaa sidii xal looga gaarilahaa suuqa magaalada Galkacyo oo mudooyinkii ugu danbeeyay dagaal uu kajiray
 
Kulanka ayaa waxaa kahadlay masuuliyiintii kakala socotay maamulada Galmudug iyo Puntland
 
Ugu horayn waxaa kahadlay gudoomiyaha gobolka mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug xasan faarax bare asagoo sheegay in ay marwalba hadaan Nahay reer Galmudug aan Nabada kashaqaynayno sida aan anagu Nabada ugu shaqaynayno in ay walaaleheen Putlaan ay Nabada ugu shaqeeyaan oo dad masuuliyiin ah ayaan Nahay waxaa Nalaga rabaa in aan shacabka u horseedno Nabad sidaasi waxaa yiri Godoomiyaha Gobolka mudug ee dowlad Gobaleedka Galmudug state mudane xasan faarax bare
 
Sidookale waxaa halkaas kahadlay Gudoomiyaha Gobolka mudug ee dowlad gobaleedka Putlaand Axmed cali salaad asgoo isna sheegay in ay marwalba Nabada utaaganyihiin qof ala qofkii Nabad wada hadaan Nahay Putlaand aan soo dhawaynayno
 
Ugu danbayntii kulanka ayaa maanta furmay wajigiisii labaad ayadoo horay uu ufurmay wajigiisii koowaad kulanka maanta ayaa waxaa la isdhuhi karaa waa mid kafiican kii hore

 

W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime

Siciid Jaani SiciidJaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com