Shariif Xassan Guddoomiyaha Baarlamaanka oo  Xilkii laga Xayuubiyey

Arbaco,Jan,17,2007

.Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta Xilkii ka qaaday Xildhibaan Shariif Xassan oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kalfadhigii maanta Baarlamaanka Somaliya yeeshay ayaa looga dooday Mooshin ay soo gudbiyeen 31 Xildhibaan oo codsaday in kalsoonida lagala noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan.

Mooshinkan ayaa lagu xusay dhawr qodob oo uu jabiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kala ahaa:

- Inuu kasoo xaadiri waayey Kalfadhiga Baarlamaanka

- Inuu Guddoomiyaha Diiday 7 maalmood oo uu Golaha siiyey inuu kusoo galo Xarunta Baarlamaanka ee Baydhabo

- In Guddoomiyaha uu ka horyimid Qodobo uu horey u Ansixiyey Baarlamaanka uu asaguna guddoomiyey

- In Guddoomiyaha Baarlamaanka iskiis u qaato go'aanada Golaha ansixintiisa ka baxsan.

- In uu si Toos ah u Qaadacay Go'aano uu Baarlamaanka Ansixiyey oo sharciyeysan iyo qodobo kale.

Waxayaalaha kale oo loo heysto Guddoomiyaha ayey qaar kamid ah Xildhibaanada sheegeen in uu heshiis iskiis ulla galay Maxaakiimtii la burburiyey, ayagoo sheegay in wakhtigaasi uu Guddoomiyaha ka dhego adeegay inuu Baarlamaanka fasax ka qaato ama codkooda uu weydiiyo.
Golaha ayaa waxaa maanta fadhiyey 192 Xildhibaan, waxaana dood dheer kadib loo gudbay u codeynta kalsooni kala noqoshada iyo xil ka qaadista.

* 183 Xildhibaan ayaa u codeeyey in xilka laga xayuubiyo Guddoomiyaha

* 9 Xildhibaan ayaa Diiday in xilka laga dejiyo Shariif Xassan

Kalfadhiga oo uu Guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Md.Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku dhawaaqay go'aanka Baarlamaanka asagoo si rasmi ah u shaaciyey in Golaha uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka oo asagu hada dalka ka maqan.

Shariif Xassan ayaa hada ku maqan safar dibada ah . gaar ahaan asagoo haatan ku sugan magaalada rooma ee dalka talyaaniga.

cabdalla maxamed cabdille.

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com