Qanyare iyo Muuse Suudi oo hubkooda ku wareejiyay Dowladda.

Arbaco,Jan,17,2007 Muqdisho,Somaaliya

Hoggaamiye kooxeedyadii hore ee Muqdisho haddana ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Qanyare Afrax ayaa goor dhow hubkooda ku wareejiyay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Xubnahan oo xarumahooda xafladdo lagu wareejinayo hubka ay heystaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxayna aad u soo dhoweeyeen in uu hubka caasimada Muqdisho yaala uu noqdo mid gala hal gacan oo dowladda ah.

Maxamed Qanyare Afrax oo wareejinta hubkiisa oo ka dhacday xarunta Dayniile ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya in ciidamadeeda aysan kala bixin gudaha dalka Soomaaliya inta ay ka imaanayaa ciidamada Afrikaanka ee la filayo dhawaan in dalka ay soo gaaraan.

Maxamed Qanyare ayaa sidoo kale sheegay in hadii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka ay dib u soo laabanayaan hoggaamiyeyaaashii Maxkamadaha, wuxuuna sidoo kale uu ugu baaqay Midowga Afrika in ciidamada Imaanaya dalka aysan noqon kuwo nabad ilaalin balse ay noqdaan kuwo hubka aruuriya, wuxuuna gabagabadiio Maxamed Qanyare uu ka codsaday dowladda in sida ugu dhaqsiyaha badan hubka uu ku wareejiyay ay ugula baxaan xerada uu ku leeyahay Dayniile.

Muuse Suudi Yalaxow oo isna munaasabadii lagu wareejinayey hubkiisa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in hubkiisa uu ku wareejiyo dowladda, inkastoo Muuse Suudi uu ka cudur daartay in inta badan hubkiisa ay ku maqan yihiin baadiyaha, balse sida ugu dhaqsiyaha badan uu u keeni doono, wuxuuna ku wareejiyay tiro kooban oo hubkiisa ka mid ah.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeya uu bilowday hub aruurinta isla markaana wixii hada ka danbeeyana hubka oo dhan ay la wareegeyso dowladda.

cabdalla maxamed cabdille.

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com