Shariif xasan oo waxkama jiraan ku tilmaamay xilka qaadista lagu sameeyay.

Arbaco,Jan,17,2007

Shariif xasan Sheekh Aadan ayaa gaashaanka ku dhuftey xilka qaadistii maanta xubnaha baarlamanka ay maanta ku sameeyeen, isagoo ku tilmaamay mudanayaasha Baarlamanka kuwo aan xur aheyn.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ugu waramay shabelle qadka teleefoonka isagoo ku sugan magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaniga ayaa qaadacay xilka qaadis maanta ay ku sameeyeen mudanayaasha Baarlamanka Somalia, isagoo ku macneeyay taasi Baarlamanka oo aan xur u aheyn fikirkooda, isagoo ku tilmaamay la heystayaal.

Shariif xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay in uu yahay Gudoomiyaha sharciga ah ee Baarlamanka Somalia, waxaana uu ku cel celiyay diidamdiisa ku aadan in xilka qaadis ay ku sameyn karaan mudanayaasha Baarlamanka Somalia.

cabdalla maxamed cabdille.

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com