C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayey xil ka qaadista lagu sameeyey gudoomiyihii baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Khamiis,Jan,18,2007

C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in Shariifku gudan waayey xilkii ka saarnaa gudashada waajibaadkiisa Qaranimo, isagoo tilmaamay in gudoomiyuhu uu mudo 3 bilood ah uu dalka dibeda uga maqnaa sababo isaga u gaar ah awgeed.

Madaxweyne Yuusuf oo la hadlayey telefishinka Al-Jasiira ayaa sheegay oo kale in Shariif Xasan uu xad uu ku xad gudbay axdiga Qaranka, lana shaqeyn waayey dowladda federaalka.

“Shariif Xasan mar wuxuu la saftay hogaamiye kooxeeddyada, mar kale wuxuu la saftay argagaxisada” ayuu yiri madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo intaaa ku daray in cod aqlabiyad leh looga qaaday xilka guddoomiyenimo ee uu hayey.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo rag ay ka mid yihiin ra'isul wasaare Geeddi ayaa ayey mudooyinkanba dhinaca fekerka isaga soo horjeedeen guddoomiyihii baarlamanka Shariif Xasan, waxayna u muuqataa inuu haatan meel mar noqotay iney ka taqalusaan Shariifka oo isaga oo u muuqda inuu tagaeero ka heysto qaar ka tirsan wadamada beesha caalamka lamana saadaalin karo waxa ay keeni karto arintan xilka looga qaaday Shariif Xasan oo fekrado kala duwan laga bixinayo.

Cabdalla Maxamed cabdille.

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com