![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Gen. Cabdi Qaybdiid iyo Gen. Carays oo goob joog ka ahaa kulankii maanta dhex maray Galmudug iyo Puntland. Jan,19,2010 www.Hobyoradio.com
Wasiirka wasaarada macdanta iyo Biyaha Gen. Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid ayaa ku howlanaa mudo laba bilood iyo bar ah sidii loo dhamayn lahaa khilaafkii dhexyiilay madaxda maamulka Galmudug, dadaal dheer oo dhex dhexaadin ah kadib ayaa Gen Cabdi Qaybdiid iyo xubno kamid ah DFKM oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Galmudug ay ku guulaysteen dhamaynta khilaafkii Galmudug, Bishan Janaayo,3,2010 ayaa waxaa kasoo dagay garoonka Galkacyo wafti DFKM oo uu hogaaminayo Gen Cabdi Qaybdiid, Waftiga ayaa waxaa kamid ahaa M/weynihii tanasulay Dr. Ahmed Shariif Cali Hilowle iyo M/weynaha loo tanaasulay Col. Max’ed Ahmed Caalin. Maalmo kahor ayay ahayd markii lagu qabtay xaflada balaaran hotel Embassy oo lagu soo afjaray dhismihii maamulka lana qaybsaday awoodii maamulka Galmudug, Gen Cabdi Qaybdiid ayaa iminka usoo jeestay xalinta arimaha magalada Gaalkacyo oo ay isku hayaan maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana dhanka kale ee Puntland howsha la wada Gen. Carays oo isagu u dhashay magalada Galkacyo. Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka wada hadlaya xaalada amni iyo soohdin ee magalada Galkacyo, kadib dagaalo soo noq noqday oo ka dhacay suuqa weyn ee magalada Galkacyo, kulankan oo kadhacay garoonka diyaaradaha ayaa waxaa kasoo qaybgalay 5shan xibnood oo uu 6lix ku yahay gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan farax Barre dhanka Galmudug iyo 5shan xibnod oo 6lix uu ku yahay gudomiyaha gobolka Mudug Ahmed Cali Salaad. Qodobo hor-u-dhac ah ayay ku heshiiyeen maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sida ay warbaahinta u sheegeen gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland Ahmed Cali Salaad iyo gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Galmudug Xasan Farax Barre in ciidamo isku dhaf ah oo labada maamul ah la dhigo suuqa weyn ee magalada Galkacyo iyo in la ilaaliyo xabad joojintii lagu heshiiyay, waxaa sidoo kale lagu balamay in maalinta bari ah qodobada dhiman laga sii wada hadlidoono. C/aziz Xogolof Galmudug State of Soomaaliya
Daawo Video laga soo duubay
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||