Qorshihii lagu doonayay in dadka looga aruuriyo Hubka ayaa u eg mid ku socda Fashilaad

Talado,Jan,2,2007 Muqdisho,Somaaliya

Qorshahaan oo ay dowladu shalay soo jeedisay ayaa u muuqda mid fashilaad ku socda kadib markii ay dadku aqbali waayeen, wararka ka imaanay Fillo Baydhabo oo ka mid ahaa meelihii dadka loo cayimay in ay dadku geeyaan Hubka ayaana maanta la geyn wax Hub ah goobtaas, ayadoo sidoo kalan la sheegayo in Dakadii hore ay ayadu sidoo kale waxba la gayn.

mana jirin dad ganacsato ah ama rayid ah oo wax hub ah geeyay goobihii loogu talagalay,taasoo muujinaysa in go'aanka ra'isul wasaaraha uu noqday mid fashilmay, Ciidamda dowlada ayaa ku sugnaa maanta goobahaas loo qabtay in hubka lageeyo.

Majiraan wax hub ah oo maanta gacanta dowlada soogalay,ayadoo ay ka harsan yihiin 2 maalmood waqtigii ay dowladu uqabatay, ra'isul wasaaraha ayaa horey uga codsaday dadka reer Muqdisho in ay Hubka iska soo wareejiyaan haday yihiin Shirkad, dad, iyo Koox intaba.

dowlada ayaa doonaysa sidii ay u xasilooni lahayd Nabad galyada Magaalada Muqdisho ayadoo ay jiri karaan caqabado hor leh oo soo bixi kara,hadaba qorshahaan ayaa waxaa ka qayliyay Malayshiyaadka qaarkood oo sheegay in ay qoryahooda iska dhiibi doonin, qaar ayaa leh qarash fara badan ayay noogu fadhiyaan, qaarna waxaynba qabaan in aan la is aamini karin.

ra'isul Wasaare Geedi ayaana horey u sheegay in aysan jiri doonin wax Lacag ah ama qarash ah oo loo celinayo dadka Hubka soo xareynaya ama shaqo ah oo loogu badali doono marka laga reebo in la dhaqan celin doono Malayshiyiyooyinka

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com