Dowlada Ethiopia oo sheegtay in Ciidamadeeda ay Soomaaliya kaga saari doonto labo ama saddex toddobaad gudahood.

Talado,Jan,2,2007

War ka soo yeeray Maanta ra'isul wasaaraha dalka Ethiopia Zanaawi ayaa sheegaya in labo ama saddex toddobaad gudahood uu uga soo bixi doono gudaha Soomaaliya kuna soo celin doonaan kala dambeyntii.

Waxaan caawinay dowlada oo aan awood u lahayn in ay iska difaacdo Maxaakiimta, saddex isbuuc ayaa uga bixi doonaa dalka Soomaaliya,taas waa si ay dowlada ku meel gaarka ahi u maamulato dalkeeda, sidaas waxaa yiri ra'isul wasaaraha dalka Ethiopia Zanawi.

Ethiopia ayaa qiratay in Ciidamadeedu ay ka dhex dagalameen joogaana gudaha dalka Soomaaliya, ayadoo sheegtay in ay u tageen codsi uga yimid dowlada ku meel gaarka ah, Zanaawi ayaa ka codsaday dowlada ku meel gaarka ah in aysan Maamulkeeda ku soo darin qaar kamid ah Hogaamiye kooxeedka, oo ayaga qaarkood durbaba ugu soo noqday Magaalada Muqdisho.

Hadalkaas ayaa soo baxay kadib markii ay dowladu shalay Magacaawday Maamulkii Hiiraan oo aysan ku soo darin Maamulkii hore Hogaamiye kooxeedka, inkastoo ragii hore go'aankaas diideen haddana waa ogolaadeen Maanta oo waa iska wareejiyeen Maamulkii.

Ra'isul wasaaraha ayaa asna sheegay in Maxaakiimtii iyo Hogaamiye kooxeedkuba waxba is dhaamin oo dad weynuhu sidaas ula socdaan,Waxa uuna ka dhigay qab qab layaash kuwo dambile ah waxa uuna yirikuwii hore iyo kuwii dambe waa siku mid asagoo kala jeeda Maxaakiimta iyo Hogaamiye kooxeedka, waxa uuna sheegay in Maxkamad la horkeeni doono ruux walbana waxa uu sameeyay ayaa lagu abaal marin doonaa.

Caamir Muuse.Muqdisho

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com