![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Ra'isul
Wasaare Pro. Cali Geedi ayaa
sheegay in dowladiisu ay qaaday
Xayiraadii Hawada, Howshii Hub
aruurintuna ay bilaamatay.
Talado,Jan,2,2007 Muqdisho,Somaliya Shir jaraa'id oo uu Maanta ra'isul wasaaruhu ku qabtay guriga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in dowladiisu ay qaaday Xayiraadii Hawada ee ay ku soo rogtay Hawada Soomaaliya in ay Maxaakiimtu ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho iyo Gobalo badan oo kale. Waxa uuna sheegay in ay qaadista Xayiraadu bilaamanayso Barito, waxa uu uga digay diyaaradaha in ay fuliyaan awaamiirta dowlada oo ay la soo xiriiraan dowlada diyaaradii aan la soo xiriirina ay ka qaadi doonaan tilaabo Sharciga waafaqsan. Dhanka kalana waxa uu ra'isul wasaaruhu sheegay in Hub aruurintu ay bilaamatay wajigeedi hore,oo maantay meelihii uu ugu tala galeen lakeenay Hub, inkastoo Hubkaas uu ra'isul wasaaruhu sheegay aanan arag Saxaafadu iyo dad weynuhuba. Hubkaan ayuu sheegay ra'isul wasaaruhu in marka la aruuriyo la sii marin doono deegaanka Dayniile oo ay ku sugan yihiin Saraakiil sare oo Ethiopian ah iyo kuwo ka socda dowlad ku meel gaarka ah. Ganacsatada Hubka ka ganacsan jirtay ayaa ayagu go'aan kaas ka madax adeegay aygoo sheegay in Hubkoodu ugu fadhiyo qiimo badan in kastoo suuqa lagu arkayay Maanta Hubkii oo aad u raqisay. Ra'isul wasaaraha ayaa ka hadlay 10 maxbuus oo kenya ay ka qabatay Xuduudeeda kadib markii ay dowladu ku meel gaarka ahi ka codsatay in ay Kenya xuduudeeda aysan soo galin rag ka tirsan Maxaakiimta oo dowlada dagaal dhexmaray, waxa uuna xusay ra'isul wasaaruhu in ay talaabo ka qaadi doonaan nimankaas. Ragaan oo gaaraya 10 ruux ayaa 8 kamid ahi waxa ay wataan Passaportiga Eretrea halka 2 kalana ay wataan kan Canada waxayna dalka Kenyakugaleen ayagoo wata Baabuurta loo yaqaan 4wd. Kenya ayaa cutubyo Ciidamo ah soo dhoobtay Xuduuda ayadoo qancinaysa dowlada ku meel gaarka ah, Policka Kenya ayaana su'aalo weydiinaya Nimankaas la qabtay ayadoo ragaas lagu xiray xabsiga Magaalada Gaarisa. Caamir Muuse.Muqdisho Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||