Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hobyo Oo Uan Baxabay Gobbolka Hobyo Ee Gal-Mudug State.

Jan,20,2008  www.Hobyoradio.com

Wafadi balaaran oo uu hagaaminayo gudoomiayaha gobolka hobyo Col.Max'd Axmed caalin ayna ku wehiliyaan xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dawlad goboleedka Gal-mudug state ayaa socdaal dhulka ah ugu anbabaxay deegaano ka tirsan mudug iyo hobyo ee Gal-mudug state.

Wafdigaan oo ka ka kooban ilaa 7xibnood oo iskugu jira xildhibaano, wasiiro, saraakiil,Wariyaal ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 19/1/2008.ka anba baxay magaalda galkacyo ee xarun goboleedka Gal-mudug state.

 

Wafdiga balaaran ayaa Inta aysan ka anbaba bxin magaalada galkacyo ayaa gudoomiayaha gobolka Hobyo Col. Max’d Axmed Caalin oo uwarmayay waraabihinta hobyoradio isla markaasina aan wax kawaydiinay socdaalka wafdiga uu hogaaminayo waxa uu gudoomiyuhu sheegay in ujeedku yahay sidii ay dib uhabayn ugu samayn lahaayeen dhamaan hawlaha adeega bulshada ee deegaanda gobolka hobyo ee dawlad goboleedka Gal-mudug state.

Gudoomiye caalin oo aan waydiinayin safrkiidu uu ku wajahan yahay magaalo madaxda gobolka hobyo iyo in ay gaaryaan goobo kale ayaa waxa uu sheegay gudoomiye caalin in ay tagayaan inta badan degmooyinka hobyo asgoona intsaai ku dara gudoomiye caalin safrkoodu uu qayb qayb ka yahay hawlaha hor’umarinta adeeyada ee dhinacayda dib uheshiisiinta iyo hor’umarka kale ee ka socda dhamaan deegaand dawlad goboleedka Gal-Muudg state.

Wafdiga ayaa duhurnimadii manta waxa ay socdaal ku sii mareen deegaanada ay ka midka yihiin laasa-cadale,Docol,wargalo,Gal-barwaaqo,Cel-guula oo dhamanatood ka mid ah deegaanda dawlad goboleedka gal-muudg satate, waxa ayna wafdigu dhamaan goobihii ay mareen ay kulamo kula yeesheen odayaasha iyo wax gardka deegaandaas sida uu galabta qadka telfonka iigu xaqiijiyay wariye cabdi waaxid M.isxaaq oo ka tirsan wariyaasha idaacadda codka Mudug ee magaalda Gaalkacyo wafidigaasina la socda,

 

Wafdiga ayaa ababro 4:30 ee galabta ka anba baxay deegaanka celguula aydoona ay sii marayaan deegaano badan oo ay k amid yihiin wisil,gawaan,iyo kuwo kale aydoona ugu danbayna lagu wado in ay gaaraan magaalo madaxda gobolka Hobyo ee magaladda Hobyo.

Wafdiga balaarn ee uanbaba baxay gobolka Hobyo ayaa waxaa ka mid ah

Gudoomiye k.xigeenka koowad ee golaha baarlamanka dawlada gal-mudug satate xasan macalin yuusuf,xildhibaan Axmed Gayfane,C/Macalin axmed iyo masuuliyiin kale Waxaana xliga ay Galkacyo ka baxayeen sii sagootiayay masuuliyiin ka tirsan ldawlad goboleedka Gal-mudud state.

Hadii nahay bahad hobyo radio waxaan aqristayaasheena sharfta leh u bala qaadaynaa in aan la socodsiin doono socdaalka wafdiga balaaran ee ka tirsan gal-mudug hadba meesha ay gaaraan iyo soo laabashadoodaba hadii allaha awooda leh ka raali noqdo

Hobyoradio.com waa isha wararka gal-mudug state.

 

 Cabdalla Max’d Cabdille

Warbaahinta Hobyoradio

Galakcyo,Gal-Mudug State SOMalia,

Mobail: 002525 752260

002521 62270923

cbadalla45@hotmail.com

 

Gabay  Dabadhilif  Tigree soo horkacey iyo walee duufle baayimide.
May-muun Sheekh Aden.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com