![]() |
||||||
|
|
||||||
|
Dugsiga Sare Ee Shacab ee Magaaladda Gaalkacyo oo Dhismihii Shubka la Dhameystiray. (Daawo Sawirada)
Jan,21,2008 www.Hobyoradio.com WARGALIN Walaalayaal waxaan jeclahay in aan idinla socodsiiyo halka uu marayo dhismihii dugsiga sare ee shacab. Dhismaha dugsiga waxaan u kala qaadnay affar qaybood,kuwaasoo kala ah:- 1- Helidda dhulka iyo wareejita daaradda dugsiga 2- Dhismaha qaybta hoose oo noqonaysa tan ugu qaalisan 3- Dhismaha qaybta sare 4- Qalabaynta Walaalayaal qodobka koowaad iyo kan labaad oo ahaa kuwa ugu kharashka badan ilaah waa nala garab qabtay waana dhammaynay, waxaana hadda bilaabaynaa dabaqa sare ee dugsiga, Qodobka afaraad waa fududaan doonaa maxaa yeelay haddaba ardaydu miisas iyo kuraas ay wax ku bartaan waa haystaan inkastoo qalb cusub loo sii bahanyahay. Walaalayaal anoo ku hadlayo magaca guddiga dhismaha Schoolka Galkacyo Canada, waxaan ugu mahadcelinayaa dhammaan dadkii ka qayb qaatay dhismahaa dugsigaan, khaasatan guddiga dugsiga ee Canada iyo kan gaalkacyo. Waxaana ku boorinayaa guddiyadda wadamada sida Sweeden, iyo magaaloyinka qaar kood ee Maraykanka iyo ingiriiska in ay ayaguna khayraadkaan ka qayb qaataan. Walaalayaal waxaa idinn sheegaya haddaan nahay reer Canada in aan ku gudo jirno aruurintii kharashkii loogu tala galay nabadgalyada, waxaana doonaynaa khayr walba kaalin in aan ku yeelanno. Walaalayaal waxaan idinku dhiiro galinayaa in aad maalkiina iyo waqtigiina dhismaha gobolka u hurtaan, haddad mid hayn , kaad haysid u hur. Walaalayaal haddii qaarkiin dani ka hayn dhismaha guud ee gobolka, ka qaybqaata tan gaarka loo leeyahay, ayaduba horumarka gobolka ayey qeeb ka tahay. Walaalayaal kulligeen aan ku gacan siinoWalaalaha Had iyo goor u taagan dhismaha dugsigaan sare ee galkacio ka socda iyo sidaan hawlaha kale ee hurumarka gobolka ugu gudbi lahayn. Waad mahadsan tihiin Wa jazaakumallahu Kheyran Mohamed Ali (Canada) Warbixin Ku saabsan Iskuulka Hose/Dhexe/Sare ee Ashacab Dhagaxdhigii Iskuulka Shacab. Xafladdii Furitaan Iskuulka Shacab Dhismihii oo Bilow ah ee Shacab. Dabaqii 1aad oo la taagay ee Shacab.
Bahda Hobyo Radio Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u diraynaa Walaalaha ka qayb qaatay shismaha Dugsiga Shacabka ee Magaalada Gaalkacyo. Gaalkacyo,Galmudug State of Somalia Hobyo Radio News Media |
||||||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||||||