Hawlo Nadaafadeed Oo Maalmaha Soo Socda Lagu Wado in ay Ka Bilowdaan Wadooyinka waa weyn Magaalda Gaalkacyo Ee Gal-Mudug State.

Jan,22,2008  www.Hobyoradio.com

Hawlo balaaran oo lagu nadiifinayo wadooyinka iyo xaafadha maagalada Gaalkacyo ee dhinaca dawlad goboleedka Gal-mudug state ayaa lagu wadaa in maal maha soo socda ay si toos ah ubilawdaan

hawshaan oo ay iska kaashanayaan dhamaan qaybaha kala duwan ee reer gal-mudug ayaa ujeedadu tahay sidii loo muujin lahaa bilicda magaalda Galkacyo ee Gal-mudug state

diyaar garowga hawshaan ayaa si weyn looga dareemayaa magaalda Galkacyo aydoona ay hormuud ka yihiin gancsatada Gal-mudug oo hashaan abaabulaya.

 

Ganacsatada Gal-mudug state baaq ay soo saareen ayaa lagu sheegay looguna baaqay dhamaan qaybaha kala duwan ee ree gal-mudug in ay gacan gaystaan hawshaani balaaran ee bilicda magaalda lagu soo celinayo

waxaa sidoo kale baaq loo jeediayay iyo wliba digniin daka wadooyinka dhexdooda dhesmooyinka ka samaysatay in ay si deg deg ah uga guuraan inta ka dhimat hawlaha nadiifinta wadooyinka oo 2maalin oo kaliya naga xigto hadii ay amrkaas u hogaansami waayana la sheegay in talaabo sahrciga waafaqsan laga qaadi doono

 

Dhinaca kale hawlaha ganacasi ee suuqayda magaalda Gaalkacyo ayaa wali gabaabis ah taasoo loo aanaynayo sicir barka baaxada leh ee wali ka jir magaalda Gaalkacyo

qaar ka tirsan gaanacsatda magaalda Gaalkacyo ayaa sheegay in lacagta kunka shilinka soomaalig ah aysan qaaadanayn maadaamaa int badan lacgta daka qaarkood makinadaha ku samaysaan ay tahay kunka shilin

waaxse arintaasi saamayn ku yeelatay qaybaha kale bulshada gaar aahaan dadka dan yarta h oo sheegay in aysan u adkaysan karin tlaabda noocaas ah ee lacagta lagu diidayo

isku soo wada duuboo waxaa muuqata in ganacsig galakcyo uu yahy mid aan la isku halayn karin oo hadba dhinac usocda wlaow dhibaatda inta bdan ay saamayn ku leedahay daka dan yarta ah oo ay ku jiraan dak asoo barkacay ee ku nool xeyaha qaxootiga magaalda Gaalkacyo.

Cabdalla Max’d cabdille

Xaafiiska hobyoradio

Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia,

Mobail:002521270923

oo2525 752260

cabdalla45@hotmail.com

 

Gabay  Dabadhilif  Tigree soo horkacey iyo walee duufle baayimide.
May-muun Sheekh Aden.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com