Dhismaha Ururka Horumarinta Soomaaliyeed SWDO oo 14/01/08. laga hirgaliyay magaalada Gaalkacyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug.
W. D. Calideeq.
.JPG)
Maalinnimadii Isniinta ee taariikhdu ay ahayd 14/01/08-da ayaa waxaa looga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug dhismaha urur haween ah oo lagu magacaabo Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed. Somali Women Development Organization SWDO.
.jpg)
Drs. Siciido Max’uud Xirsi, oo ah guddoomiyaha ururka SWDO.
Aammino Salaad Yuusuf, oo ah gudd. ku xigeenka 1-aad ee SWDO.
Asiili Axmed Cawaale, oo ah gudd. ku xgeenka 2aad ee SWDO. Iyo
Wariye Maariya Xaashi Cali, oo ah xoghayaha guud ee SWDO.
.jpg)
.JPG)
.JPG)
Xaflad si qurux badan loo soo diyaariyay, oo lagu soo ban-dhigay ku-dhawaaqidda ururka haweenka SWDO iyo doorashada madaxdiisa sarsare ayaa galabnimadii Istiinta ee ahayd 14/01/08. waxay ka dhacday dugsiga H/Dhexe ee C/LAAHI CIISE ee magaalada Gaalkacyo.
.jpg) |
.JPG) |
|
Madax Waxda Cafimadka Farxiyo Sicid Cali |
Xoghayaha Guud Wariye Maariya Xashi Cali |
.jpg)
.JPG)

Waxaana xafladdaas ka soo xaadiray ka-qaybgalayaal 300 gaaraya oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan maammulka dawladda GalMudug State, ururka SWDO, ururrada bulshada rayidka ah ee GalMudug qaarkood, hooyooyin, fannaaniin iyo dhallinyaro gabdho iyo wiilalba leh. Oo ay aad uga dhex-muuqdaan gabdhaha ururka SWDO oo ku labbisan calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Galmudug State Col. C/llahi Cambarre
.JPG)
.JPG)
Ugu horraynba, waxaa munaasabaddaas lagu caleemo-saaray 4-ta xubnood ee ah hoggaanka sare ee ururka SWDO. Kuwaasoo ay horay u doorteen Xubnaha uruka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed SWDO, oo tiradoodu gaarayso 80 xubnood. Waxayna madaxdaasi kala yihiin;
.JPG)
Drs. Siciido Max’uud Xirsi, oo ah guddoomiyaha ururka SWDO.
Aammino Salaad Yuusuf, oo ah gudd. ku xigeenka 1-aad ee SWDO.
Asiili Axmed Cawaale, oo ah gudd. ku xgeenka 2aad ee SWDO. Iyo
Wariye Maariya Xaashi Cali, oo ah xoghayaha guud ee SWDO..JPG)
Xafladda loo qabtay ururka SWDO ayaa waxaa lagu soo ban-dhigay riyaayad aad looga helay oo diiradda saaraysay dhibaatada Gudniinka Fircoonigaa. Waxaana riwaaddaas jilayay koox ka koobnayd 2-da abwaan ee kala ah Max’uud Kaa-dheeri iyo Caddaawe-jaahil iyo gabdho ka tirsan ururka SWDO.
Sidoo kale waxaa xafladda laga soo jeediyay qudbado kala duwan oo aad u qiimo badan. Waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadashay Wasiir ku xigeenka ganacsiga ee Dawlad-goboleedka GalMudug marwo Xabiibo Koonfurow, oo ku hadlaysay magaca Dawladda GalMudug. Waxyna hambalyo iyo bogaadin u soo jeedisay ururka cusub ee SWDO. Waxayna marwo Xabiibo ku nuuxnuuxsatay sida Dawlad-goboleedka GalMudug ay uga go’antahay daryeelka iyo horumarinta hooyada iyo dhallaanka.
Marwo Xabiibo Koonfurow ayaa qudbaddeeda ku xustay galganka ee haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka GalMudug, ay u soo galeen horumarinta dadka iyo dalkaba. Waxayna tusaale u soo qaadatay waxqabadka ururka haweenka MIDNIMO oo ay ka mid yihiin dugsiga H/Dhexe ee Horseed ee magaalada Gaalkacyo oo uu gacanta Ku hayo iyo dhisme suuq cusub oo dhulkiisii la gaday oo dhawaan la rajaynayo in laga billaabo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Waxayna marwo Xabiibo Koonfurow mahadcelin ballaaran u soo jeedisay intii wax la qabatay ururka MIDNIMO. Waxayna xustay gabdhaha jaaliyadaha dibadda ee GalMudug. Iyadoo si gaar u tilmaantay gabdhaha jaaliyadda GalMudug ee DalMudug ee dalka Norway. Kuwaasoo Wasiir ku xigeenka ganacsiga ee GalMudug State ay qirtay in gacan buuxda siiyeen. Waxayna tiri Xabiibo Koonfurow " waxaan abaal uga haynnaa gabdhaha walaalladeen ah ee ka tirsan jaaliyadda GalMudug ee Norway taageerada joogtada ah ee ay na siiyaan. waxaanan rajaynaynnaa gabdhaha kale inay ku daydaan".
Taliyaha ciidammada qalabka sida ee Dawlad-goboleedka GalMudug G/Sare C/Laahi Cambarre, oo isna qudbad macaan ka jeediyay xafladda ayaa isna si diirran u soo dhaweeyay ururka SWDO. Wuxuuna sheegay inuu hiil iyo hooba la garab-taaganyahay.
Guddoomiyaha ururka naafada GalMudug ee SOMDO mudane Daahir Yaasiin Warsame ayaa halkaas ka soo jeediyay kalmado farxadi ka buuxdo oo ku aaddan dhismaha ururka SWDO, oo uu ku tilmaamay "gabar qiimo badan oo noo dhalatay".
Guddoomiyaha ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee SWDO Marwo Siciido Max’uud Xursi, oo ah kalkaaliso sare oo caafimaad oo aqoon wanaagsan u leh cudurrada haweenka, ayaa iyadana lagu soo dhaweeyay makarafoonka. waxayna ka dib salaan iyo mahadcelin ay u jeedisay ka-qayb-galayaasha xafladda hoosta ka xarriiqday sida ururka SWDO uu u taageersan yahay Dawlad-goboleedka GalMudug. waxayna sharraxaad ka bixisay ujeeddada loo dhisay ururka SWDO. Waxayna shaaca ka qaadday inuu hadafkoodu yahay samo-falka iyo horumarinta haweenka iyo carruurta. Waxayna sheegtay ina meelaha ay mudnaanta siin doonaan ay ka mid yihiin isku-xirka haweenka, kor-u-qaadiska aqoonka haweenka iyo wax-u-qabashada haweenka iyo carruurta dhibaataysan, sida kuwa soo bara-kacay.
Guddoomiyaha ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed SWDO ayaa waxay xilal kala duwan u magacawday 6 xubnood ka tirsan ururka SWDO. Iyadoo xubno kalena ay dhimman yihiin magacaabistoodu. Waxayn kala yihiin 6-da gabdhood ee la magacaabay;
Farxiyo Siciid Cali, madaxa waaxda caafimaadka ee SWDO.
Maryan Xasan Tahaliil, madaxa waaxda waxbarashada ee SWDO.
Maryama C/Casiis Sh. Max’ed, madaxa waaxda dhaqaalaha SWDO.
Caynabo Xaaji Cabdi, madaxa waaxda samo-falka ee SWDO.
Salaado Cali Wadaad, madaxa waaxda hiddaha iyo dhaqanka SWDO.
Fartuun Max,uud Ciise, madaxa waaxda qoraallada ee SWDO.
Ururkan cusub ee haweenka SWDO ayaa wuxuu noqonayaa ururkii 2-aad oo haween ay leeyihiin oo laga dhiso Koonfurta magaalada Gaalkacyo. waxaana horay u jiray Ururka MIDNIMO oo ah urur haween ah oo bulshada wax badan u qabtay. waxaana taageera ururka MIDNIMO gabdhaha jaaliyadda GalMudug ee dalka Noway. oo ay ka mid tahay Ismahaan, oo dhawaan booqasho ku soo kala bixisay magaalooyinka Gaalkacyo, Hobyo iyo meelo kale oo ka tirsan Dawlad-goboleedka GalMudug.
Ururka haweenka ee SWDO waa urur ay xubnihiisa u badan yihiin gabdho dhallinyaro ah oo indheer-garad ah. waxaana ugu caansan gabdhahaas Maariya Xaashi Cali, oo ah wariye cod macaan oo ku soo caan-baxday idaacadda Codka Mudug ee magaalada Gaalkacyo. Maariya Xaashi Cali waa gabar waddaniyad ah. waxayna dhigataa dugsiga Sare ee Cumar Samatar ee Woqooyiga magaalada Gaalkacyo, oo qalin-jabinteedu ku beegantahay dabayaaqada sannadkan 2008-da. waxaana lagu yaqaannaa Maariya taageerada Madaxweyne Kiimiko, Madaxweynaha Dawlad-goboleedka GalMudug. waxayna si cad ugu dhiirrataa taageerada GalMudug, xitaa marka ay ku sugantahay deegaanka uu ku yallo dugsiga ay dhigato oo aan laga jeclayn GalMudug.
Maariya Xaashi Sh. Cali, ayaa mar aan waraysi la yeeshay, waxay cabasho ka muujisay in uusan uga soo jawaabin uuna ka baaqday martiqaad ay xafladda SWDO ku casuumeen kusimaha madaxweynaha Dawlad-goboleedka GalMudug. isla markaana uusan wax cudurraar ah ka bixin ka-baaqashada xafladda. waxayna sheegtay in gabdhaha ururk SWDO ay tixgalin la'aan ka tabanayo kusimaha madaxweynaha GalMudug mudane C/Samad Nuur Guuleed. Dhawr jeer oo aan isku dayay inaan la xiriiro kusimaha madaxweynaha GalMudug mudane C/Samad Nuur Guuleed, si aan wax uga wayddiiyo eeddaas loo soo jeediyay, ayaysan ii suuroobin inaan helo.
.JPG)
Calideeq Max'ed Xhaashi.
nabadda1@hotmail.com
0025290751239
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.
.jpg)
Sicido Max'uud Xirsi, gudddoomiyaha SWDO
cccgabso@hotmail.com
0025290735887, 0025262270472
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.
.JPG)
Maariya Xaashi Cali,xoghayaha guud ee SWDO
maaria2009@hotmail.com
0025262362355
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.
Gabay Dabadhilif
Tigree soo horkacey iyo walee duufle baayimide.
May-muun
Sheekh Aden.
